Saynis yahanadu waxay sheegeen in baaritaanno lagu sameeyay asalka fayraska LayV ay muujiyeen in 27% laga helay xayawaanka shrews-ka halka 5% laga helay eeyo. Sidoo kale waxaa 2% laga helay ariga.

Xarunta Xakamaynta Cudurada Taiwan ayaa maalintii Axadda sheegtay in ay “fiiro gaar ah u leedahay” arrimaha kasoo kordhaya fayraska LayV.

LayV waa nooc ka mid ah bahda fayraska ee la isku dhaho “henipavirus”, oo ah nooca kasoo gudba xayawaannada ee u gudba bani’aadanka.

Fayrasyada noocan ah ayaa indhaha seynisyahannada soo jiitay tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu soo baxay cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Xarunta Maraykanka ee Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ayaa sheegtay in saynisyahannadu ay qiyaaseen in afartiiba saddex ka mid ah cudurrada faafa ee cusub ay ka yimaadaan xayawaannada.

Qaramada Midoobay ayaa horay uga digtay in dunidu ay arki doonto cuduro badan oo noocan oo kale ah iyadoo sannadihii dambe la xoojiyay ka faa’iidaysiga ka faa’iidaysiga duurjoogta, dhanka kalena uu sii xumaanayo isbedelka cimilada.

Cudurradan ka dhasha fayrasyadan qaarkood waxa ay sababi karaan dhimasho.