Fikrad: Waxaan Dhambaal ku aaddan 15 Maajo u diray Aasaasayaashii Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL), xaaladda dalkana waan uga warramay

|

 

Aasaasayaasha Ururkii SYL ee Sharafta iyo Qiimaha lahaayow,

Waxaad marka hore iga guddoontaan Salaan idiinkaga timid mid kamid ah Jiilasha ku soo koray, wax ku soo bartay, islamarkaasna ku soo kifaaxay Gobannimadii aad dhiigiinna u daadiseen, xoolihiina iyo dantiiniina u dayacdeen.

Salaantan waxaan kala soo socdaalay Raaska Casayr iyo Raaska Kamboone waxayna daarrantahay duur-xul iyo daltabyo.

Waxaan Allaah idiinkaga baryayayaa in uu Jannadiisa qaaliga ah idin dejiyo!

Haddii aan intaas gogol-xaar iyo maan-xadantayn uga gudbo, waxaan maanta oo ku beegan 15 Maajo oo ah maalinta loo asteeyay in loo dabbaaldego Ururkiini SYL rabaa in aan idiin xogwaramo e, ii oggolaada in aan idiinkaga xogwaramo meesha uu xaalkeenu joogo 80 sano kaddib markii aad aasaasteen Ururka SYL.

  • Waxaad 80 sano kahor ka digteen, ka dagaasheen kana dhiidhideen heeryadii Gumaysiga ee berigaas na saarnayd waxaadna ku guulaysateen in aad Gumaysigii naga kicisaan, dalkeennuna uu noqdo dal xor ah oo dowlad dimuquraadi ah leh. Hadda waxaan ku jirnaa xaalad aanba ku fududaadee aan sidaas uga sii cad-buurnayn xaaladdi waagaas aad ka dhiidhiseen. Waxaa intaas noo dheer in gumaysigi berigaas aad la dirirteen uu hadda ku guulaystay in dad badan oo Soomaaliyeed ay u durbaan-tumayaa in uu dalka dib ugu soo laabto.
  • Qabyaaladdii aad berigaas gaashaanka u daruurteen dadkana kala dagaasheen waxay haatan dalka ka jirtaa iyadoo halbeeg u ah qayb kasta oo hab-nololeedka bulshada ku jirta, sida dhaqan-dhaqaalaha, saami-qaybsiga siyaasadda iyo xitaa qaar kamid ah goobaha diinta iyo cibaadada.
  • Dhaqankii iyo hiddihii aynu dadka kale uga dir-soocnayn, wuxuu hadda marayaa meel Allow Sahal ah oo aan ka baqayo in labaatan sano dibadeed la waayo cid aqoon iska daaye’ xitaa dhigaal qoran ka haysa. Dhaqanno cusub oo aan dunida ka soo qalin-daarannay ayaan haatan ku faannaa, waxaana marag ma doonto ah in afafka qalaad ka mudnaadeen afkeenna, waayo goobaha ganacsiga, daryeelka caafimaadka iyo xittaa ogeysiisyada/wacyigelinnada waxaa lagu qoraa luqado qalaad ama Af Soomaali dubbe lala dhacay!
  • Midnimadi aad berigaas hanateen waxay iyaduna hadda qaadatay macno kale; waxay noqotay mid la galo lagana baxo wakhtigii la doono. Waxaa lagu jaangooyaa rabitaanka hoggaanka markaas hor-booda maamullada dalku u kala qaybsamay oo haatan Lix ah.
  • Dowladnimadii aad noo dhaliseen waxay haatan la daalaa-dhacaysaa dakharo siyaasadeed oo ay u gaysteen dad qaybaaladda ku awr kacsada oo manfaca qabiilka iyo mansabka dowladda isku xira. Dadkaas annga ayaa doorana annaga ayeeyna na dulleeyaan, waana dad wata dhaqanka ”arkaa qaadka ah” ee Allaah laga magangalo.
  • Da’yarta Soomaaliyeed oo haddii idinka la idin barbardhigo aqoon iyo anfacaba idinka badan ayaa waxaa ku dhacay cudur ay cududdooda la arki waayeen, cudurkaas oo keenay in ay noqdaan ”ma liibanayaasha lagu liibaanay”.

Waxaan aad iyo aad uga uur-xumahay in aan Aakhiro idiinkugu soo diro dhambaal aydaan mudnayn in aad maqashaan ama aragtaan, laakiin waxaan rabaa in aan qalbiga idiinkugu qaboojiyo in ay jiraan ififaalooyin soo ifbaxaya oo muujinaya in hoggaanka dalka ee haatan talada haya uuna horkacayo Madaxweyne Xassan Sheeikh uu xoogga saaray dib u soo noolaynta awoodda dhallinyarada. Wuxuu fursado shaqo, hoggaamin iyo metelaadba siiyay da’yar badan oo rag iyo dumar isugu jira.

Xuquuqda sawirka_ Villa Somali

Waxaa kale oo xusid mudan, in Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu hoggaanka dalka qabtay 15.5.2022 oo ku beeggan maalintiina mudan in la maamuuso.

Hoggaanka madaxweyne Xassan waa sannad jirsaday waxaana diiwaanka taariikhda u gashay ammaan iyo bogaadin ka dhalatay sida ay argagixisada u wiiqday, sida ay awoodda shacabka uga faa’iidaysatay iyo sida ay xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya boorka uga jaftay.

Madaxweynaha oo dhallinyarada la xusaya 15 May

Waxaanan ka aamusi karin in aan idiin sheego, in maanta uu Madaxweyne Xassan Sheekh ubax dhigay taallada la idiinkugu dhisay bartamaha magaalada Muqdisho. Waxaa kale oo uu madaxweynuhu maalintiina la weynayn dhallinyarada horseedka iyo lafdhabarka u ah bulshada Soomaaliyeed qaar kamid ah.

Madaxweynaha oo taallada SYL ubax dhigay

Waxaan rajaynayaa in sannadkan sannadka xiga, haddii Alle idmo aad dhankeenna ka maqli doontaa dhambaal kan ka wanaagsan, ka rajo iyo raynrayn badan Insha Allaah!

Wasiir Alcadaala oo xuska 15 May ka qaybgelaya

Duco iyo mahadnaq naga guddooma!

Related Articles

News In English

Fikradaha