Finland oo laga xusay Maalinta Ragga ee Caalamiga ah iyo maalinta ragga Afrika –Siyaasi, Suxufi iyo Hoggaamiyaha Urur weynaha Moniheli Abdirihin Husu Hussein oo ka mid noqday 10:ka nin ee Afrikaanka Finland ugu saameynta badan

|

Waxaa magaalada Vantaa ee Koonfurta dalka Finland lagu qabtay 19.11.2022 xuska Maalinta Ragga ee Caalamiga ah, taas oo ay barbar-socotay maalinta ragga ee Afrika.
Madal aad loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen siyaasiyiin, ganacsato, aqoonyahanno, fannaaniin iyo ciyaartooy oo lagu xusayay maalinta Ragga Caalamiga ah ayaa waxaa lagu abaalmariyay islamarkaas lagu sharfay 10:ka nin ee Afrikaanka ah ee loo aqoonsaday kuwa ugu saameynta badan sannadkan dalka Finland.

10:ka nin ee loo aqoonsaday, in ay ugu saameynta badan yihiin ragga Afrikaanka ah ee Finland deggan ayaa waxaa ugu cadcaddaa Abdirihin Husu Hussein oo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee sida weyn uga dhex-muuqata bulshada Finnishka ah.
Suxufi, siyaasi iyo madaxa Urur weynaha Moniheli Abdirihin Husu Hussein oo kamid ah 10:ka nin ee sannadkan ugu saameynta badnaa Afrikaanka Finland ku nool ayaa hoggaamiya Ururka Moniheli oo ah urur ay ku mideysan yihiin ku dhowaad 120 urur oo ka shaqeeya guud ahaan dalka Finland.

Abdirihin Husu Hussein ayaa markii la abaalmarinayay lagu sheegay in uu yahay nin dhallinyaro ah oo u dooda guud ahaan dadka asalkoodu Ajnabiga yahay ee Finland ku dhaqan.

Abdirihin ayaa lagu tixgeliyaa sida adag ee uu goobaha lagu doodu ugu difaaco dadka soo-galootiga ah ama ka soo jeedo asal soo-galooti.

Kaddib marka Abdirihin la guddoonsiiyay abaalmarinta 10:ka nin ee ugu saameynta badan Afrikaanka Finland ku nool ayuu wuxuu bartiisa Twitter:ka soo dhigay farriintan:– ”Sharaf iyo farxad ayeey ii ahayd in la ii doorto noqoshada mid kamid ah ragga Afrikaanka ah ee ugu saameynta badan Finland sannadka 2022! Bulshada Afrikaanka ah waxaan uga mahadcelinayaa sida ay ii sharfeen. Shaqada iyo dadaalka aan ku doonayo in aan ku gaarno Finland sidan ka sii fiican dhammaanteenna aan u simannahay waan sii wadayaa iyadoo sidii hore ka sii xooggan.”

Soomaalida ku dhaqan Finland ayaa si weyn uga dhexmuuqata bulshada Finland waxaana jaaliyadda Soomaalida laga helaa aqoonyahanno, ganasato, siyaasiyiin, xirfadlayaal kala gedisan iyo qaar kale oo badan.

Madashan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Ururka Diaspora Reporters ry iyo Jariidadda Diaspora Glitz Magazine.

Xigasho: Shabakadda warbaahinta Soomaalida Finland (Suomen somalimediaverosto)

Related Articles

News In English

Fikradaha