Gaari qarax looga shakiyay oo villa Soomaliya lagu qabtay

|

Muqdisho (Onkod Radio) – War goor dhow naga soo gaaray xarunta Villa Somalia, ayaa sheegaya in gaari uu watay wiil la dhashay marwada koowaad Seynab Macallin, looga shakiyay inuu qarax sido, laguna celiyay albaabka.

Gaarigaan ayaa markii uu gelaayay iridka Villa Somalia, gaar ahaan kontoroolka koowaad waxaa ku qeyliyay oo ka shakiyay eeygii baarayay oo ka cararay, sidoo kale waxaa ka cararay eey labaad, waxaana meesha ka dhashay cabsi iyo tuhun xooggan oo galay ilaalada madaxtooyada oo isugu jiray Soomaali iyo ciidanka ATMIS.

Daqiiqado kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamada miino baarista, kuwaasi oo ku guuleystay inay xaqiiqda ogaadaan.

Ciidamada miino baarista ayaa sheegay in wax qarax ah uusan saarneyn gaariga balse waxa eyga uu ka shakiyay ay tahay lugta baabuurka oo soo maray meel baaruud leh, sidaasina uu u bixiyay digniinta.

Guud ahaan waxaa la fasaxay isu socodka oo horay loo joojiyay in dhaq dhaqaaqa Villada Somalia.

Dhacdadaan ayaa kusoo beegantay xilli feejignaan sare ay ka jirto gudaha Villa Somalia, markii NISA ay ka digtay weeraro kusoo fool leh Farmaajo iyo Rooble, oo la doonayo in lagu khaarajiyo, balse mucaaradka iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa dignaantaasi u aragtay in ay tahay mid ku socotay Rooble.

Related Articles

News In English

The net-zero impact of World Bank projects in Somalia

The World Bank (WB) is launching the Somali Electricity recovery Project (SERP) which will cost 150M USD and its worth mentioning that the money...

Prominent TV journalist killed, two others injured in Mogadishu bombings

MOGADISHU, Somalia 29 October, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS), the Somali Media Association (SOMA) and the Somali Mechanism for the Safety of Journalists...

Attacks against journalists climb as Somali authorities declare crackdown on press freedom

MOGADISHU, Somalia 27 October, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) are alarmed by the ongoing crackdown by the...

State TV journalist killed while covering military operation on the outskirts of Mogadishu

Mogadishu (Onkod Radio) — Somali Journalists Syndicate (SJS) strongly condemns the bomb attack that targeted Somali National Television (SNTV) journalist, Ahmed Mohamed Shakur alongside...

UK announces new support for people facing famine in Horn of Africa

Mogadishu (Onkod Radio) — Speaking at an event on the humanitarian crisis unfolding in the Horn of Africa at the UN General Assembly in...

Fikradaha

The net-zero impact of World Bank projects in Somalia

The World Bank (WB) is launching the Somali Electricity recovery Project (SERP) which will cost 150M USD and its worth mentioning that the money...

GUURKII AWOOWAYAASHEEN – DOONISTII IYO AQAL-GALKII

Qaybtii 1-aad: Barnaamijka War iyo waaya-arag waxaan maanta ku soo qaadanaynaa sida hablaha loo doono iyo sida aroosyada loo dhiso innaga oo tix raacaynaa...

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...