GAAS ” Garoowe waxaan u tagnay in xal u helno khilaafka jira ”

|

Garoowe (ONKOD) Magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland waxa  ka soconaya shirar gaar gaar ah kuwaas oo u dhaxeeya masuuliyiin maanta gaartay Garoowe iyo hoggaanka dhaqanka.

Maanta oo Isniin ah waxa magaalada Garoowe ka degay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo mar soo noqday madaxwaynaha Puntland iyo Ra’iisulwasaaraha dalka iyo Cumar Cabdirashiid oo isagana talada dalka soo qabtay.

Gaaritaankooda Garoowe ka dib ayay bilaabeen in ay la kulmaan qaybaha bulshada ee Puntland  inta badana waxay diirada ku saarayaan kulamadooda khilaafka ka dhashay doorashada iyo in la furo Dastuurka.

Gaas oo hadlay ayaa sheegay in ujeedka Garoowe ay tahay sidii jid loogu bixin lahaa khilaafka taagan ee sababay  in dhimasho iyo dhaawac ay ka dhashaan dagaalka – halkaas ka dhacay.

“Waxa taagan baan waxaan rajeynaynaa in jid loo bixiyo. Wax badan oo Puntland looga daysado baa dhacay. Doorasho wanaagsan baa dhacday” ayuu yiri  Cumar Cabdirashiid.

Ilo xog ogaal ahi waxay sheegayaan in imaatinka siyaasiyiintan iyo kuwa kale oo mucaarad ku ah madaxweyne Deni ay qeyb ka yihiin in hoggaanka Puntland cadaadis lagu saaro in doorashada waqtigeeda lagu qabto.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha