Gabar SOOMAALI ah oo noqotay Duqa magaalo ku taala USA

|

St. Louis Park(ONKOD) Naadiya Maxamed oo Soomaali ah oo Noqotay Guddoomiyihii Degmo Ee Ugu Da’da Yaraa 170 oo Mareykanka Lagu Doortay.

Codbixiyeyaasha magaalada St. Louis Park ee gobolka Minneasota ayaa Naadiya Maxamed u doortay inay noqoto duqa magaaladaas, iyada oo noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee Muslim, Soomaali iyo Madow ah oo loo doorto xilkaas, Naadiya ayaa muddooyinkii dambe waday ololaha doorashadeeda.

Naadiya ayaa sidoo noqotay qofkii ugu horreeyay ee asal ahaan Soomaali ah oo doorasho qof iyo cod ah ku guuleystay tartanka doorashada duq magaalo oo Mareykanka ah, taas oo muujinaysa sida bulshada Soomaaliyeed uga soo muuqanayaan bulshooyinka ay la dhaqmaan, sida lagu amaanay Naadiya.

“Doorashadani, dabcan, waa mid muhiim ah sidii aynu horeba u ogeyn, runtiina aad baan uga mahad naqayaa fursadda aan ku hoggaaminayo magaaladeenna” ayay Naadiya u sheegay boqollaal qof oo iskugu soo baxay debbaal-degga guusheeda, kuwaas oo ku nool magaalada St. Louis Park.

Naadiya ayaa ka guuleysatay Dale Anderson oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Minnesota oo ahaa musharraxii la tartamay, iyada oo heshay in ka badan 58% codadkii la tiriyay.Naadiya ayaa hore u aheyd xubin ka tirsan golaha deegaanka ee magaaladaas, waxaana qofkii ugu da’da yaraa ee noqda duqa Louis.

Nadia oo 27 jir ah ayaa iyada iyo qoyskeedu ay deggenaayeen magaalada St. Louis Park tan iyo markii ay aheyd 10 sano jir, Nadia sidoo kale waa qofka ugu da’da yar ee abid loo doorto xafiiska guud ee xaafada metro ee galbeedka magaalada taariikhda 170-sano, waxay hore uga soo shaqeysay Golaha St. Louis.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha