Gabdho Soomaaliyeed oo Ku Geeriyootay Shil Ka Dhacay Mareykanka

|

Washington (ONKOD ) Shan hablood oo Soomaali ah ayaa ku geeriyooday shil Gaari oo ka dhacay dalka Maraykanka, shilkaan ayaa yimid kadib markii gaari uu kusoo bareeg goostay goob ay isugu yimaadaan dadka Soomaaliyeed.

Shilkan ayaa ka dhacay magaaladda Minneapolis gaar ahaan agagaarka suuqa Karmel Mall,halkan ayaa ah goob ay isugu yimaadaan dadka Soomaaliyeed.

Hablaha geeriyooday ayaa 3 ka mid ahi ahaayeen isku qoys,hablaha ayaa suuqa ka adeeganayey iyagoo isu diyaarinayey munaasabad qalin jabin.

Shilkan ayaa waxa sababay nin la sheegay inuu la soo baxsaday Gaari ka dib markii uu Gaarigiisa xagga qaybta dambe kaga dhuftay Gaari hablaha wateen.

Ciidanka Booliiska ayaa la sheegayaa in ay gacanta kusoo dhigeen Eedaysanaha geystay shilkan, kaas oo ahaa wadaha gaarigii shilka geystay.

Related Articles

News In English

Fikradaha