GAMUDUG : Amar la dul dhigay Maleeshiyaadka dagaalamaya

|

Dhuusomareeb (ONKOD) – Taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed, ayaa cutub ciidanka daraawiishta booliiska Soomaaliyeed ah u diray deegaanno hoos yimaad Degmada Cadalle, halkaas oo ay dhawan ku dagaalameen dad walaalo ah.

Sidoo kale, Ciidanka ayaa kala dhex galay maleeshiyo beeleedyo ku diriray deegaankaas hubka dhigisna ku sameeyay, sidoo kale Waxaa iyana goobta gaaray cutub ciidan ah oo ka tirsan hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).

Dhanka kale, Taliyaha daraawiishta booliiska, Sareeye Guuto. Cabdullaahi Mirre, oo horkacayay ciidankan ayaa goob fagaare ah kula hadlay dadka ku dhaqan deegaannada lagu dagaalamay gaar ahaan Ceel-muluq, Xaaji-Cali, Laba-garas, Cadow-uul, Dayfo iyo Burto-Shiikh.

Taliyaha ayaa amar cad dul dhigay asaga oo sheegay in aan la aqbali karin in wax hub ah lagu qaato deegaankaas dadkuna is dhex maraan, cidii ku xadgudubta xabad joojinta iyo dadaalada nabadeedna ay ciidamada amaanku u amranyihiin in ay gacan bir ah ku qabtaan lagana qaado talaabo sharciga waafaqsan.

Related Articles

News In English

Fikradaha