Ganacsato Soomaali ah oo lagu diley dalka Koofur Afrika

|

Wararka ka imanaya dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in koox burcad ah ay ku dileen ganacsato Soomaaliyeed magaalada Cape Town.

Muwaadiinta kala ah Ibraahim Cumar Caddow Gaabow iyo Isaaq Shiinow Cali ayaa la xaqiijiyay in lagu diley xalay wadanka Koofur Afrika gaar ahaan deegaano ku yaal magaalada Cape Town.

Wararka waxa ay sheegayaan in ganacsatadan Soomaaliyeed la diley xilli ay ku sugnaayeen goobahooda ganacsi, mana jirto cid loo qabtay dilkooda.

Dilka ganacsatadan Soomaaliyeed loogu geysanayo dalka Koofur Afrika ayaa sii kordhay bilihii la soo dhaafay kadib markii Bananbaxyo rabshado wata oo loogaga soo horjeedo xariga madaxweynihi hore ee Koofur Afrika ay ka dhaceen magaalooyin badan oo ka mid ah wadanka Koofur Afrika.

Related Articles

News In English

Fikradaha