GANACSIGA XOOLAHA IYO SOOMAALIDA

|

Qormadeenna maanta waxaan uga hadli doonnaa hadduu Alle ogolaado Ganacsatada Soomaalida iyo ka Ganacsiga xoolaha.

XOOLAHA NOOL

Waxaan ku noolnahay waddan qani ku ah xoolaha nool, balse dhibaato xooggan ay ka heysato maareynta iyo ka ganacsigooda.

Xilligi Dowladdi kacaanka waxaan dhoofin jirnay Xoolo nool iyo kuwa la qalay intaba, balse waxaa jiray qaab ka duwan sida aan hadda wax u dhoofinno, tusaale ahaan xoolaha nool ee aan dhoofinno waxay ahaayeen (LAB) sida Rati, Dibi, Orgi iyo Wan  lama ogoleyn in la dhoofiyo nuuca (DHEDDIG) sida Hal, Sac, Ri  iyo Lax.

Sababta aan loo dhoofin jirin kuwa dheddig waxay ahayd in xoolaha dalkeennu ahaadaan kuwa aan kaligeen dhoofinno oo aan wadan kale laga helin, taasoo na siin jirtay dalab fara badan oo xoolo dhoofin ah.

Dhanka kale marka aan dhoofineyno kuwa LAB-ka ah waxaan lagu sameyn jiray Tumid/Xaniinyo-siibid si uusan u tarmin oo neef dheddig ah inta loo geeyo uusan u boodin/rimin.

Xilligaan aan joogno waxaan  haysannaa ganacsato ka tiro iyo dhaqaale badan kuwii aan haysannay xilligii kacaanka laakiin ka dadnimo iyo damiir liita.

Waxay ka ganacsadaan xoolaha nool iyo kuwa la qalay/bireeyay intaba, waxay haystaan wadamo ay cilaaqaad la soo xirteen oo ay u iib geeyaan xoolaha ay qalaan/bireeyaan.

Xoolaha ay qalaan/bireeyaan waxay u maareeyaan hab macquul ah oo dhoofkooda dhib nooma keenayo mustaqbalka, balse dhibka ugu weyni wuxuu ka jiraa dhoofinta xoolaha nool oo aan loo dhoofin hab waafaqsan nidaamka dalka kuna jirin danta umadda Soomaaliyeed.

Waxaan dhoofinnaa neef dheddig iyo neef Lab oo xiniinyihiisa qaba, kuwaasoo wadamadi iibsaday ay mustaqbalka uga maarmi karaan ganacisaga xoolaha Soomaaliya uga imaan jiray.

Sidoo kale waxay dhibaato xooggan u geysaneysaa dadka xoola dhaqatada ah oo marki ay ganacsatadu ugu yimaadaan in ay ka iibsadaan uga iibsado qaab xaalufin oo kale ah maadaama dalku uu ku sugan yahay xaalad dhaqaale xumo iyo colaad daba dheeraatay oo keeneysa in qofku xoogga saaro nolol maalmeedka oo uusan ka fikirin waxa mustaqbalka dhacaya.

Xillig hore waxaa jirtay in la dhoofiyo ariga Jarka iyo Dubaaxa balse maanta nuuc la dhaafayo ma jiro maadaama xoolo yari ay jirto, taasoo ah sababta ugu weyn ee aan loo kala soocin Lab iyo Dheddig.

In la gado neef dheddig kadibna la dhoofiyo waxay la mid tahay dabar-goyn aan la dareemi karin balse si hoose kuu dileysa.

MA JIRTAA WACYI-GELIN KU SAABSAN XOOLA DHAQASHADA    

Sida aan wada ognahay ma jirto cid isku xil saartay in ay dhiirri-geliso ama wacyi-gelin usameyo reer miyiga si ay xoola dhaqashada xoogga u saaraan oo ay noloshooda ku maareeyaan xoolaha.

Sababaha keena in xoola dhaqatadu yaraato waxaa ka mid ah colaadaha iyo abaaraha daba dheeraaday ee dalka ka jira taasoo ay u dheertahay is bedelka cimilada oo saameyntiisu aad u soo korodhay xilliyadaan dambe.

Waxaa kale oo meesha ka maqan kaalintii Dowladda dhexe ee caawinta reer miyiga xilliga ay duruufaha jiraan, waayo Dowladdu ma garab istaagto cid aan qori wadan oo aan danteeda ka shaqeyn ama aysan xal u arag caawinteeda.

DIGAAGGA IYO UKUNTA

Digaagga waa qeyb kale oo ka mid ah xoolaha ay Soomaalidu dhaqanka u leedahay dhaqashadooda macaash badanna laga helo, walow xilliyadaan dambe ay dhibaato badan naga heysato dhaqashada digaagga.

Qoyska Soomaaliyeed haddii uu heysto 100 xabo oo digaag ah xaaladdiisa dhaqaale waxay ahaan jirtay meel dhexe oo wuxuu ahaa qoys is celin kara balse hadda taasi ma jirto.

Sanadahaan dambe waxaa jirto in dhaqashada digaagga ay aad ugu yaraatay Soomaalida marka laga reebo xoogaa yar oo reer miyiga caanaha magaalada keeno ah kuwaasoo laftoodu dhib ku qaba iibinta Ukunta iyo Digaagga ay keenaan magaalada maadaama magaaladii la keenay ukun ka raqiisan tooda laakiin aan nafaqo ku dhameyn, sidoo kale waxaa la keenay hilib digaag oo aan la xaqiijin karin caafimaadkiisa iyo muddada uu keydsanaa .

Dhaqashada digaagga Soomaalida waxa uu ku dhow yahay inuu suulo ama uu aad u yaraado sanadaha soo socda haddii aan xal loo helin caqabadaha heysta reeraha dhaqda digaagga.

Reeruhu ma awoodaan in ay la tartamaan ganacsatada aan jixinjixa lahayn ee Soomaalida ah kuwaasoo soo dhoofiya hadba wixi ay u arkaan in ay raqiis yihiin mustaqbalkana wixi ka dhalanaya dan kama galaan.

Ma jirto Dowlad dhexe ama Wasaarad isku saartay xil ama ka fikirtay muwaadiniinta ku howl beelaya digaagga iyo ukunta laga keenayo dibadda.

Haddii la joojiyo ama canshuurta lagu qaaliyeeyo waxaa fursad helay oo dadaal galaya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee shaqa la’aantu heysato kuwaasoo ku fikiri lahaa in ay ka ganacsadaan fursadaha ka jira dhaqashada xoolaga iyo ka ganacsiga ukunta.

Ugu dambeyn waxa nagu dhacay wax la yiraahdo (QOFKOO NOOL DIL) oo macneheedu yahay haddii qofka la cuuryaamiyo oo loo diido inuu waxa ka soo saarto dalkiisa uu noqon doono mid la maamulo oo la dulleysto isaga iyo Dowaladdiisa waayo Dowladi waxay wax ku tahay canshuurta ay ka hesho dalkeeda, balse haddii dadki la curyaamiyo waxaa dheceysa canshuur yari sababta in deeq bixiyeyaashu deyn iyo amar bixin nagu dulleystaan.

 

W/Q: Cabdullaahi Cali Cabdulle

Email       : fanax97@gmail.com

Facebook : https://www.facebook.com/abdullahi.aliabdulle

Twitter     : https://twitter.com/abdullahiali82

 

Related Articles

News In English

Fikradaha