Ganacsigiii yar yaraa ee laascanood oo si tartiib ah u bilaabanaya

|

Laascanood (ONKOD )  Magaalada Laascanood ee gobolka Sool wararka laga helayo ayaa sheegaya in maalmihii la soo dhaafay xaaladda magaaladaas ay ahay mid ka duwan sidii hore.

Waxaa lagu soo waramayaa in magaalada si tartiib tariib ah uu dib ugu bilaabanayo ganacsiyadii yar yaraa ee ka jiray magaalada sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in magaalada ay ka duwan  tahay maalmahan sidii hore marka loo eego xaalada hadda sida ay tahay.

Ciidamada deegaanka ee SSC ayaa ku sugan hareeraha magaalada Laascanood ee gobolka Sool halkaas oo ay ka ilaalinayaan gudaha magaalada.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka  mararka qaar ayaa  dhawaqa rasaasta waxaa laga maqlayaa duleedka magaalada Laascanood ee gobolka Sool.

Waxaa meesha ka baxay wada hadaladii lagu doonayay in lagu dhaxdhaxaadiyo Somaliland iyo dadka deegaanka ee SSC waxaana muuqanaysa in labada dhinac ay ka daleen dagaalka.

Inkastoo xaalada magaalada Laascanood ay degan tahay haddana lama oga sid ay wax isku bedeli karaan maalmaha soo socda maadama wali aanay jirin xabad joojin rasmi ah oo dhaqan gashay.

Related Articles

News In English

Fikradaha