GAROOWE : Ciidan ka godooday mushaar la’aan oo qalqalgaliyay amniga

|

Garoowe (ONKOD ) Ciidanka loo yaqaan Goodirka oo ka tirsan Booliska maamul goboleedka Puntland ayaa  gadood ka sameeyay gudaha caasimadda Garoowe sida ay sheegayaan dad halkaas ku sugan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka Goodirka oo ku sugan garoonka ciyaaraha Garoowe ee Mire Awaare ay isku dayeen in ay halkaas ka guuraan amar la’aan kadib markii ay gadoodeen.

Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in gadoodkan uu ka dhashay iyo guuristuba ciidankan  oo ka cabanaya mushaar la’aan  & xuquuqo badan oo kaga maqan maamulka Puntland.

Wararka ayaa intaas ku daraya in sidoo kale ciidankan ay rasaas ku rideen taliyahooda kadib markii uu ku amray in aysan ka bixi karin halkaas.

Lama soo werin wax khasaare ah oo ka dhashay rasaasta waxaana markii danbe lagu guulaystay xallinta gadoodkii ciidanka oo dib loogu celiyay xaruntoda

Wararkii ugu danbeeyay ee aan ka helayno magaalada Garoowe ayaa sheegaya in  hdda xaaladu ay degan tahay  , laakiinse lama oga sida ay wax isku bedeli doonaan xili kasta.

Saraakiisha maamul goboleedka Puntland wali wax war kama ay soo saarin dhacdadan oo qalqal galisay xaafadaha magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Tan iyo  markii uu muranka uu ka dhashay  wax ka bedelka Dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka maamulkaas siyaasada Puntland ayaa gabal dhaclaynaysay.

Hore waxa u  u jiray  iska hor imaadyo khasaare gaystay oo ka dhacay Puntland oo salku hayay gadood mushaar iyo khilaafka doorashada maamul goboleedka Puntland.

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha