Baydhabo (KAAB) Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxaa ka biloday kulamo looga hadlayo xaalada magaalada Baydhabo oo go’doonsan
Kulamadan waxaa qayb ka ah maamulka Koonfur Galbeed iyo xubno ka socda bulshada qaybaheeda kala duwan.
Magaalada oo ku jirta xaalad adag ayaa la sheegay in dadka ay u dulqaadan waysan yihiin maadama sicirka raashiinka uu kordhay.
Waxaa sidoo kale ku qayb ka ah kulan saraakiil ka socota howlgalka KMG ah ee ATMIS kuwaas oo talooyin ku biirinaya go’adoonka Baydhabo.
Xildhibaanada Golaha shacabka ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa sheegay in aysan ahayn wax la aqbali karo , xaalada guud ahaan ka taagan Koonfur Galbeed si gaar ah magaalada Baydhabo.
Si kastaba maamulka koonfur Galbeed ayaa laga sugayaa wax ka qabashada culayska saraan dadka ku nool magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.