NEWYORK (ONKOD) Fadhi Golaha ammaanka ay ku yeesheen magaalada New York ee dalka Mareykanka ayay isku raaceen in ciidanka ATMIS si tartiib tariib ah ugu baxaan Soomaaliya.
Waxa uu Golaha amnaanka sidoo kale isku raacay in ciidanka ATMIS ay sii joogayaan Soomaaliya muddo lix bilood ah ka dibna ay qaadaan talabadii ay ugu bixi lahayeen Soomaaliya.
Ciidanka ATMIS ee midowga Afrika ayaa Golaha ammaanka Qaramada Midoobay waxa uu sheegay in joogitaanka ciidankaas uu ku eg yahay September.
Wixii xiliga ka danbeeya waxa uu Golaha ammaanka uu sheegay in Soomaaliya ay ka bixi doonaan taas oo qayb ka ah dadaalada lagu doonayo in ciidanka Soomaaliyeed ay la wareegaan amniga Soomaaliya.
Golaha Ammaanka ayaa bishii April ee 2022 ansixiyey in ciidamada AMISOM oo la aas-aasay 2007 lagu beddelo ciidamada ATMIS, oo la siiyey awood dheeraad ah oo ay kula dagaalamaan Al-Shabaab.
ATMIS oo ka kooban 19,000 oo askari iyo saraakiil boolis ah ayaa waxaa qasab ah in la yareeyo illaa laga geeyo 0 dhammaadka 2024, ayaga oo si tartiib ah awoodda ugu wareejinaya ciidamada Soomaaliya.
ONKOD / VOA