Golaha ammaanka oo qararaa xasaasi ah ka soo saaray Marinka GAZA.

|

NewYork (ONKOD) Golaha amaanka ee Qaramad Midoobay ayaa isku raacay qaraar ogolaanaya in gargaar Bani’adaanimo la gaarsiiyo marinka GAZA halkaas oo ay ka jirto xaalad   halis ah oo ka dhalatay duqeymaha Israa’iil.

Dowladda Maraykanka ayaa dhawaan  adeegsatay codka diidmada qaxayan, taas keentay in xubnaha Ammaanka kulamo joogta ah ay  ka yeeshaan xaaladda taagan.

Golaha  ayaa sheegay in talaabo kasta oo lagu gargaraayo dadka ku nool marinka GAZA ay tahay lama   huraan si loo badbaadiyo kuwa badan oo u baahan in ay helaan adeegyada muhiimka u ah nolosha.

“Maanta waxaa golahani uu ku baaqay in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo gargaarka bini’aadanimo loogu ogolaanayo marin ammaan ah, iyada oo aan la carqaladaynaynin iyo in la abuuro jawi lagu gaadhayo heshiis xabbad joojin ah oo waari karta” sidaas waxaa sheegtay Linda Thomas- danjiraha Maraykanka u joogta Qaramada Midoobay.

Ruushka oo ka mid ah dalalka leh codka diidmada qeexan ayaa dhankiisa sheegay in ay haboon tahay in la xoojiyo luuqada uu ku qoran yahay qaraarkan ogolaanaya in gargaarka lagu gaarsiiyo marinka GAZA.

Labada dhinac ee Israa’iil iyo Falastiin ayaa dhankooda loogu baaqay in ay sii daayeen maxabiista ay kala haystaan isla markaana ay ogolaadaan in ay sii socdaan wada- hadalada ujeedkoodu uu yahay nabad.

Maraykanka ayaa hore codka diidmada qayaxan ugu isticmaalay qaararkii hore ee la horkeenay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo guuldaraystay.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha