Golaha ammaanka “Waa in Somaliland ciidankeeda deg deg ugala baxda Laascaanood”

|

NEWYORK (ONKOD ) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan uu maanta yeeshay kaga hadlay xaaladda colaadda Laascaanood.

War qoraal ah oo kulanka ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Golaha Ammaanku si weyn uga walaacsan yahay dagaalka Laascaanood waxaanu dhinacyada ugu baaqay in colaadda la joojiyo.

Waxa kale oo qoraalka lagu tidhi “Xunbaha Golaha Ammaanku waxa ay xasuusinayaan dhammaan dhinacyada waajibaadkooda ka saaran xeerarka caalamiga ah, oo uu ku jiro xeerka caalamiga ah ee dagaalku.

Waxa ay ku boorriyeen dhammaan dhinacyada in ay la xisaabtamaan kuwa masuulka ka ah ku tumashada xeerarka dagaalka caalamiga ah iyo ku xadgudubka xuquuqda aadanaha.”

Qoraalka ayaa sida oo kale dhinacyada loogu baaqay in ay fududeeyaan gargaarka bani’aadanimo.

Related Articles

News In English

Fikradaha