Golaha Wakiilada Puntland oo ansixiyay wax ka bedelka Dastuurka Puntland

|

Garoowe (ONKOD ) Dood adag ayaa wali ka taagan in la furo Dastuurka taas oo xitaa ku keentay deegaanada maamulka Puntland xaalad hubaal la’aan ah iyo gacan ka hadal khasaare badan sababay.

Xubnaha  Golaha Wakiilada maamulka Puntland ayaa maanta oo Talaada ah waxay meel mariyeen , in wax laga bedelo Dastuurka oo siyaasiinta ay diidan yihiin in talabadaas la qaado.

54 Xildhibaan ayaa ucodeeyey wax ka bedelka Dastuurka, ee ogolaanaya in golaha Wakiilada, Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ay cod dadweyne ku imaanayaan, 4 xildhibaan ayaa diiday, halka hal mudane ka aamusay.

Ka hor  inta aan codka loo qaadin xubnaha  Baarlamanka ayaa laga hor akhriyey soojeedinta in 9-ka urur ee galay doorashooyinkii deegaanka ee tooska ahaa ay noqdaan xisbiyo, Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisana lagu soo doorto qof iyo cod.

Kulanka xildhibaanada ayaa imaanaya xilli aysan natiijo kasoo bixin waan-waan xalay ilaa shalay ay wadeen isimada Puntland, kuwaa oo ka shaqeenayay in aysan mar dambe dhicin gacan ka hadal lamid ah kii dhawwaan Garawe ka dhacay.

Ciidamada taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo kuwa dowladda ayaa ku kala sugan xarumoodii hore ma jiraan wax dhaq dhaqaaqyo ciidan ah.

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha