GORFEYN | Dayn Cafinta ma saamayn doontaa tuhunka Xafiiska Hanti- dhawrka

|

Muqdisho (ONKOD) Deeq-bixiyeyaasha caalamiga ee Soomaaliya saxiibada la ah ayaa waxay dalbanayaan in lagu sameeyo dib-u-habeyn maaliyadeed oo dhameystiran taas oo shardi muhiim u ah tallaabooyinka deyn cafinta iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo madaxa xafiska hanti-dhowre Ahmed Guutaale oo aan khibrad u lahayn si u maareenayo qiimeynta maaliyadeed xafiskas, taasoo kicinaysa qaylo-dhaan ku saabsan xaaladda maaliyadeed ee adduunka.

Arrimaha ku saabsan cafinta daymaha iyo magacaabisi hanti dhowrka guud ayaa soo jiitay dareenka madaxda sare ee dowladda Soomaaliya iyo hay’adda lacagta adduunka ee I M F.

Dalka somaliya ayaa ah dal dagaalladu aafeeyeen waxaa cadaadis xoog leh kala kulmayay Hay’adaha Maaliyadda Caalamiga ah si ay u buuxiyaan shuruudaha deyn cafinta.

Sida uu sheegay mas’uul ka tirsan dowladda oo magaciisa aan qarinay, inkastoo horumar la taaban karo laga gaaray, gaarista yoolalka horumarineed, haddana waxaa jira walaacyo la xiriira maamulka maaliyadda iyo xafis hanti dhowrka, oo caqabado badan soo wajaheysa.

Hanti dhowrka guud Axmed Ciise Guutaale. ayaa horey u ahaa wariye ka tirsan idaacadaha maxaliga ah, aadna u dhaliili jiray dowladdi u madaxda ka ahs MW Farmaajo  waxa uu hadda la kulmay dhaleeceyn uga timid saaxiibada caalamiga ah ee soomaaliya taas oo  sabab u ah  xirfad la’aan iyo aqoon la’aan dhanka xisaabinta.

Waxaa intaa dheer, walaaca ku saabsan musuqmaasuqa, arintaas waxaa ka dhawaajiyay deeq bixiyayaasha Soomaaliya, hadalkan ayaa shaki gelisay kalsoonida laggu qabi karo hanti dhooraha  iyo daacadnimada ku aadan la dagaalanka musuq maasuqa

Marka la eego xiriirka uu Guutaale la lahaa ololihii doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa shakiyo laga qabo in magacaabistisa xafiiska ay saameyn ku yeelan karto xiriir siyaasadeed ee u la leeyahay xafiska madaxwrynaha.

Dhanka kale maamulada Soomaaliya ayaa ka cabsi qaba in sii haynta xilka Hanti dhowrka guud ay halis galin karto wada shaqaynta uu dalku la leeyahay IMF iyo Bangiga Adduunka.  waxa ay noqonaysaa lama huraan in wax laga qabto arrimaha kalsoonida ee u dhaxeeyso dowlada dhaxe iyo maamul gobaleedyada e

Iyadoo Soomaaliya ay hiigsaneyso in bisha Sebtembar 2023 ay gaarto heerkii ugu dambeeyay ee deyn cafinta, muranka ka dhashay magacaabista hanti dhowrka ayaa waxaa hoosta laga xariiqaya cadaadiska ay dowladda kala kulmayso deeq bixiyaasha adduunka.

Mustaqbalka dalka waxa uu ku xiran yahay in si wax ku ool ah loo dhaqan geliyo dib u habeynta maaliyadeed iyo in la abuuro kalsoonida saaxiibada caalamka si loo joogteeyo taageerada dadaalladooda horumarineed ee socda, diblomaasiyiin ayaa u sheegay mas’uuliyiinta Soomaaliya gebagebadii shirka.

Ahmed guutale  ayaa u muuqdo aan aad ulla fahansaneen shaqada xafiskiisa   kadib marku shalay warbahinta la hadlay isago aad u sharaxayeey shaqada xafiska dacwo ogaha iyo xafiska la dagaalanka musuqa hadi doora ayaa sidoo kale la weydiiyo su’aalo aad u adag isago u wayeey jawab ay shacabka ku qancaan.

Related Articles

News In English

Fikradaha