Guddiga FEIT oo war kasoo saaray xogta kursiga Fahad Yaasiin HOP#086

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Guddoomiyihii guddiga doorashada ee heer Federaal (FEIT), Muuse Geelle Yuusuf ayaa ka hadlay xog lasoo dusiyay oo ku saabsan in guddiga uu damacsanaa fasixida kursiga HOP#086.

Guddoomiyaha oo la hadlay BBC-da ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay inay doonayeen inay fasaxaan kursiga muranka uu ka taagan yahay ee HOP#086, kaasi oo doorasho ka dhacday Beledweyne ku guulaystay taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasin Xaaji Daahir.

Sida ay fahamsan tahay Caasimada Online, maadaama uu fashilmay isku daygaas guddiga uu waday, guddiga ayaa hadda doonaya inay fashilkaas iska badbaadiyaan, waana midda keentay inay beeniyaan qorshihii ay maalmahaan ka shaqeynayeen.

Warka kasoo baxay guddiga doorashada ayaa kusoo aadaya xilli Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble uu fashiliyey isku day ay guddiga ku doonayeen inay ku ansixyaan kursigaas oo ay heshiis kula galeen Fahad Yaasiin.

Sida ay ogaaday Onkod Radio guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa qorsheynayey inuu xalay soo saaro go’aan lagu fasaxayo kursiga #HOP086 ee Fahad Yaasiin oo horay guddigaan iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo is-kaashanaya ay doorashadiisa u hakiyeen.

Waxaa jiray in heshiis qarsoodi ah uu dhex-maray xubnaha guddiga iyo ergo ka socotay Fahad Yaasiin, si kursiga loo fasaxo, taasi oo Rooble soo istaajin laheyd meel adag.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in fasaxa kursiga lagu kala qaadan rabay lacag dhan 1.5 milyan oo dollar, oo xubno ka mid ah guddiga ay heshiis ku galeen.

Si kastaba, Muuse Geelle oo ahaa guddoomiyaha guddiga lakala diray ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan tallaabada ra’iisul wasaaraha, wuxuna sheegay in ay sharci tahay in lakala diro maadaama ay howshoodii soo idlaatay.

Related Articles

News In English

Active participation of women and young people in peacebuilding is key to forging social cohesion in Lower Shabelle

Mogadishu (Onkod Radio) – 28 June 2022, Community members, including women and youth groups, met in Marka for the “Promoting Inclusive Action in Peacebuilding”...

Two TV journalists injured in a bomb explosion in central Somalia

Mogadishu (Onkod Radio) –  Somalia 27 June, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) condemn the bomb attack that has injured two...

Somalia faces climate emergency and famine as fourth rainy season fails

Mogadishu (Onkod Radio) – An unprecedented fourth failed rainy season with catastrophic hunger, disease and displacement has forced Somalia into a climate crisis, the...

SMSJ: Attacks against Somali journalists and media and impunity for these crimes must end

Mogadishu (Onkod Radio) – Somalia 24 June, 2022 – The Somali Mechanism for the Safety of Journalists (SMSJ), a network coalition of seven journalists’ unions and...

Sheikh Shakhbout bin Nahyan receives Somalia’s president at Abu Dhabi airport

Mogadishu (Onkod Radio) – Sheikh Shakhbout bin Nahyan, Minister of State, on Sunday received Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud at the Abu Dhabi Presidential...

Fikradaha

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...