Guddoomiyaha cusub Yuusuf Madaale oo kulan la qaatay Agaasimayaasha Dowladda Hoose

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimayaasha guud ee Dowladda hoose Xamar isagoo ka dhageestay warbixin ku aadan howlaha ay masuulka ka yihiin iyo caqabadaha jira.

Guddoomiye Madaale ayaa Agaasimayaasha uu kulanka uu la qaatay kula dardaarmay in ay si hufan ugu qidmeeyaan bulshada Caasimadda, isla markaana laga fogaado wax kasta oo la xariira musuq maasuq.

Madaale ayaa la magacaabay toddobaadkii hore 9-ka bishan September asagoona baddelay guddoomiyihii hore ee Cumar Finish.

Related Articles

News In English

Fikradaha