Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiska ku qaabilay wafdi uu hogaaminayo Madaxa Hey’adda I.O.M u qaabilsan Soomaaliya Mr. Manuel Marques Pereira, iyaga oo kawada hadlay dadargalinta sidii xalwaaro loogu heli lahaa maareeynta Barakacyaasha ku dhaqan degmooyinka Muqdisho.
Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen xafiiska Xalka Waara (DSU) ee Gobolka Banaadir ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray muhiimada ay lee dahay xal u helida maareynta nolasha Barakacyaasha iyo sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in siyaasad cad uu ka lee yahay sidii xalwaaro loogu heli lahaa arrimaha la xariira maareynta nolasha dadka Barakacyaasha ah, maadaama Muqdisho ay isku diyaarineyso doorasho qof iyo cod ah.