Guddoomiyaha golaha shacabka oo warqad soo saaray

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Guddoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa qoraal uu u diray guddiyada doorashada ee dadban iyo guddida xallinta khilaafaadka oo lagu baahiyey bogga rasmiga ah ee golaha shacabku ku leeyahay Facebook, ayuu ku bogaadiyey hannaankii ay guddiyada doorashada dadbani u soo qabteen hawlaha doorashooyinka, isaga oo tilmaamay in shaqadii guddida doorashada dadban, inay dhamaatay May 29, 2022.

Qoraalka guddoomiyaha golaha shacabka ayaa daba socday, qoraal hore oo uu soo saaray ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo si rasmi ah u kala diray guddida doorashada ee dadban, iyada oo ra’iisal wasaare Rooble uu sheegay in kuraasta banaan iyo kuraastii kale ee banaanaataba inay maamuli doonaan guddida doorashada madaxa banaan.

Related Articles

News In English

Fikradaha