Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Magaalada Marka

|

Marka (Onkod Radio) —  Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-U-Heshiisiinta ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdullaahi Xaaji Xassan Manuur ayaa Maanta guddoomiye Cusub u magacaabay degmada Marka oo ah Xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaah gudaha Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay Guddoomiyaha degmada Marka loogu Magacabay Cusmaan Muuse Maxamed, kaas oo baddelaya Guddoomiyihii hore ee degmada Marka Cabdullaahi Cali Axmed Waafoow oo qarax Ismiidaamin ahaa lagu dilay 27-kii Bisii July ee sannadkan 2022.

Sida aan xogta ku helnay Guddoomiyaha cusub ayaa ka tirsanaa Ciidamada 14 October kuwaas oo la aas aasay sannadkii 2017-dii qaraxii Soobe.

Related Articles

News In English

Fikradaha