Guddoomiye Madoobe ‘’ Askartii lagu laayay Jeelle Siyaad waa masuuliyad darro laamaha amniga‘’

|

Muqdisho (ONKOD ) Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul ugu hadlay weerarkii askarta badan ay ku dhinteen ee ka dhacay , Kulliyadda Jaalle siyaad ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye  Madoobe ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay weerarkaas oo uu sheegay in la fududeeyo in qofka is qarxiyay  uu gudaha u galo xarunta gaashaandhiga.

Waxa uu yiri  ‘’ Tuhun badan ayaa ka qabaa sida suurtagal ay u tahay in meel aad loo ilaaliyo  uu galo qof naftii haliga ah  ‘’

Guddoomiyaha Golahas shacabka Sheekh  Madoobe ayaa tilmaamay in  loo baahan yahay in laamaha amniga ay sameeyaan baaritaan deg deg ah oo la xiriira sida ay wax u dhaceen.

”Shaki iigama jiro in la fududeeyay qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad, jawaab cad ayaa looga fadhiyaa Taliska Xoogga dalka” ayuu  hadalkiisa raaciyay Madoobe

Isagoo si carro leh uga hadlayay weerarkaasi waxa uu tilmaamah in masuuliyad darro weyn ay ka dhacday xerada qaraxa ka dhacay, waxa uuna sheegay in khaa’imiin ciidanka ka tirsan in uu uga shakisan yahay in weerarkaasi fududeeyeen

 

 

 

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha