Guurka: Dood kulul oo ka dhalatay haweenay Hindi ah oo rabta inay is-guursato

|

Hindia (Onkod Radio) — Dhaqanka ah qof inuu isguursado waa mid ugub ah, balse ku soo badanaysay dalalka Reer Galbeedka dhowrkii sano ee la soo dhaafay. Waxay hadda u muuqataa in dhaqankaasi uu gaaray Hindiya.

Kshama Bindu ayaa lagu wadaa in 11-ka bishan June ay qabsato xaflad aroos oo lagu qaban doonno macbad ku yaalla magaalada Vadodara, ee gobolka galbeedka ee Gujarat.

Waxay sida gabdhaha kale ee arooska ah marsan doontaa cilaanka iyo waxyaabaha kale ee ay isku qurxiyaan dumarka Hindiya maalinta arooska, iyo inay toddobo jeer ku wareegto dabka barakada, oo ah dhaqan soo jireen ka ah Hindiya oo haweenka arooska ah ay sameeyaan.

Waxaan meesha ka maqnaan doonno marsashada huruudda, qoob ka ciyaarka iyo heesaha. Arooska kadib waxay todobbo bax u aadi doontaa magaalada Goa muddo laba isbuuc ah.

Waxaa xafladda ka maqnaan doona caruus, maadaama Bindi ay qorsheyneyso inay iyada isguursato, taasoo noqon doonta markii ugu horreysay oo arrintani ay ka dhacdo dalka Hindiya.

“Inaad isguursato waxay ka dhigan tahay cahdi adag oo aad u qaaday inaad adiga isjeclaato, oo aad ka shaqeyso sidii noloshaada aad u faraxad gelin lahayd, oo aad u noqon lahayd qof is jecel oo ku qanacsan noloshiisa.

Haweeneydan ayaa sheegtay inay qoyskeeda kasoo qeybgeli doonaan xafladda arooskeeda. Waxaa sidoo kale xafladda soo camiri doona asxaabteeda.

“Hooyaday waxay igu tiri, “markasta wax cusub ayaad ka fikiri jirtay waligaaba.” Waxay sidoo kale igu tiri, ” wax kasta oo adiga ku farxad gelinaya waan taageerayaa.”

Fikirka ah inuu qof isaga isguursado waxay soo shaac baxday 20 sano ka hor, markaasoo mid kamid ah jilayaasha riwaayad caan baxday oo Mareykanka laga daawan jiray uu arrintaasi soo hadal qaaday.

Wixii intaa ka dambeeyay waxaa jiray boqolaal kiis oo l soo weriyay oo guur noocan ah, oo ay inta badan sameeyeen haween doob ah. Waxaa jirtay dhacdo aad loola yaabay oo ahayd in haweenay caan ah oo u dhalatay dalka Brazil, oo 33 sano jir ahayd ay ‘is furtay’ seddax bilood kadib markii ay is guursatay.

Maadaama sheekooyinka noocan ah ay ku cusubyihiin Hindiya, ayaa arooska soo fool leh ee Ms Bindu wuxuu abuuray hadal hayn badan.

Warka ku saabsan guurka haweenydan ayaa qabsaday baraha bulshada. Dadka qaar ayaa u riyaaqay sheekada haweenaydan, balse inta badan dadka ka hadlay ayay ku noqotay mid fajac ah.

Haweenay barta Twitter-ka soo dhigtay qoraal, ayaa la yaabtay sababta arrintan guur looggu tilmaamayo marba haddii uu hal qof uun ku lug leeyahay. Mid kale ayaa sheegtay iney u aragto in haweeneydan ay diidan tahay mas’uuliyadda qoyska.

Iyadoo ka jawaabeysay dhalleeceyntaasi, ayaa Ms Bindu waxay ay sheegtay’ “go’aanka guurka aniga ayaa iska leh. Aan guursado nin, naag ama aan aniga is guursado, waa arrin aniga ii taalla,” ayay tiri.

BBC SOMALI

Related Articles

News In English

Fikradaha