GUURKII AWOOWAYAASHEEN – DOONISTII IYO AQAL-GALKII

|

Qaybtii 1-aad: Barnaamijka War iyo waaya-arag waxaan maanta ku soo qaadanaynaa sida hablaha loo doono iyo sida aroosyada loo dhiso innaga oo tix raacaynaa dhaqankeenna hodanka ah ee reer guuraaga. Hab dhan oo maamuus, sharaf, milgo iyo qurux huwan oo qoysaska loo dhiso ayuu dhaqankeennu leeyahay.

Soomaalida reer magaalku dhaqankii sidaa ahaa way hilmaameen iyagoo ka doortay dhaqammo kale oo shisheeye naga soo galay.Haddaba qormadan dhaqanka guurka ku saabsan waxaan ugu talo gallay sidii kuwii hore in dhallinyarada iyo bulsha inteeda kaleba ka bartaan dhaqankooda hodanka ah ee ku saabsan doonista, aqal-galka iyo guud ahaan sida loo dhiso qoyska.Ugu dambayn aan hadalka uga baxo odayada u dhuun daloola dhaqanka iyo xeerka, ha u soo horreeyo Jaamac Muuse Miicaad.

Guud ahaan hab-dhaqanka Soomaalida ee doonista hablahu waa mid muuqata oo hibo, haybad iyo milgo ku qotonta oo ku dhisan.Intaan u gelin doonista hablaha waxa jira dhawr siyood amma hab oo loo maro.Midi waa inanka iyo gabadha oo haasaawe ku heshiiya.Midina waa wiilka aabbihii oo u doona gabadh uu aabbeheed garanayo sidaana wiilku ku qanco.Mid kale ayaa jirta oo waa wiilka abtigii u garto inantiisa isla markaana wiilku oggolaado.Saddexdaa hab baa u badan oo hablaha la isku siiyaa.Marka la isla oggolaado ayaa maalin cayiman loo ballamaa doonista.

Gabadha waxa soo doona wiilka aabbihi,adeerradii iyo eheladiisa,waxay amma gabbaatiga.Waxa laga doonaa aabbaha dhalay gabadha, adeerradeed iyo ehelada. Gabbaatigu waxa uu ka kooban yahay wan iyo sameen uguba, baal, cimaamad la yidhaa Tuudsi haddii la waayona go’ la yidhaa Ameete iyo buuri.Marka lagu kulmo geedkii lagu ballamay ee gacalka la soo dhaweeyo,waxa hadla oday ka mida qoladii gabadha doonaysay Hadallo badan la isma weydiiyo,waxa qudha oo uu ku dhawaaqaa oo keliya sidan, “Tolkayow gabadha heblaayo, hebal, hebal oo reer hebel ah baan u soconnaa ee na siiya,gabadhaa oo aan u doonayno wiilka la yidhaa hebel, hebel, hebel oo reer hebel ah (waa xeer in lagu dhawaaqo gabadha iyo wiilkaba magacyadooda oo saddexan iyo qoladoodaba).

Waa arrin horay loo soo dhammeeyaye, HELA, ayaa loogu warceliyaa. Dumarkii oo goob aan sidaa u sii fogayn warka ku sugayay ayaa mashxarad iyo raynrayn isku dara.Dhallinyaraduna sacab iyo badhbadhaadh bay la ciirciiraan.Gabbaatiga waxa loo qaybiyaa oo iska leh dadka goobta jooga oo idil.

Dhallinyarada halkaa joogta ee wiilal iyo hablaba leh ayaa baalka amma daaqadda maxamuudida ah mid iyo maro uu xidho looga jaraa.Maryaha cadcad ee la wada xidhay tilmaan bay u tahay in reerka gabadh laga doonay.Jaamac Muuse halkaa buu ku joojiyey.

Faarax Wacays ayaa hadalka qaatay, wuxu yidhiWaxa la yidhi, hadal geesi helay iyo hilib doqon helay  labada midna hambo ma leh,Jaamac baa dhammeeyaye, marka hablaha la doonayo waa dhaqan in loo maalin dayo, maalin isniina ayaa gabdhaha la doonaa,arooska iyo aroosaddana habeen isniini gelayso ayaa la hooyaa.Maalinta gabadha la soo doono wixii ka dambeeya gabadha xil baa fuula,soddogga xil baa fuula,soddohda xil baa fuula, inankana xil baa fuula. Inanta xil baa fuula ono qabyaday soo gurataa oo waa agaabaysi, soddohda xil baa fuula oo aqalkii gabadha ayey samaysaa, soddoggii xil baa fuula oo alaab wixii geed laga qori lahaa oo dhan sida, geebabkii, fandhaalladii, barkigii, qundihii iyo kuwo la mida sidii loo qori lahaa buu hawsheeda u tabaabushaystaa.Wiilka aabbihii xil baa fuula,oo wuxuu qoorsheeyaa sidii uu inankiisa ugu xoolo goyn lahaa iyo yarad bixinta. Wiilkana xil baa fuula, oo siduu reerka u dhisan lahaa buu hawsheeda galaa.

Dhinaca yarad bixinta, inkastoo xeerkii odayo dhigeen uu ahaa 15 Jilood haddana waayadii dambe qodob kale ayaa loo dhigay, kaas oo ah”Yarad bixin xubeeraa u xeera” oo ka dhigan ruux kasta xeradiisaa xukunta.Labada oday ayaa ka heshiiya yaradka la kala qaadanayo.Odayga inanta dhalay xoolo fiican buu qabsadaa waayo waxa uu rabaa inuu inantiisa u xoolo gooyo Odayga xoolaha yaradka   loo siiyo inta badan gabadhiisa ayuu ku yabdhaa.

Tusaale, haddii 15 cad yarad loo siiyo, toban cad ayuu inantiisa ku yabdhas, shanta soo hadhana iyada umbuu diiqo ugu hayaa. Marka doonista iyo yaradka la dhammeeyo ee la meheriyo ayaa hoynta amma arooska loo ballamaa.

Aroos walba oo la dhisayo milayga barwaaqada ayaa lala eegtaa.Qoyska inantu dhisidda aqalka ayey u hawl galaan.Haddaba sidee aqalka loo dhisaa? Ugu horrayn waxa la soo gooyaa togankii aqalka.Toganka waxa laga soo jaraa geed aan weli biri ku dhicin, waxa gudinta ku dhifta oo soo gooya wiil dhallinyar oo labadiisa waalid nool yihiin.

Toganka marka lagu turqo goobtii aqalka laga dhisayey ee la adkeeyo ayaa guntiisa lagu shubaa caano iyo hadhuudh markaasaa laba iyo tobankii haylood loo dhammeeyaa.Marka aqalka la dhammays tiro ayaa maalin cayiman loo ballamaa arooska.Maalin isniina oo casar dabadii ah ayaa gabadha aqalka hooyadeed laga soo gelbiyaa oo dumar baa soo gelbiya.Dumarku gelbiska waxay ku soo heesaan sidan;

Hooy Nabi Allow nuur Allow Maxamad Nabi samow

Waa caloola mida oo ma iisho

“Waa ayaan loo dayoo ma iisho Allaa adkeeyey oo ma iisho.

Waa aroos khayrle oo ma iisho Islaan baan nahoo ma iisho Aroos khayrleh aamiin”

La soco Qaybta kale:

W/D: Daahir Cumar Faarax (Qadaafi)

 

Related Articles

News In English

Fikradaha