Hal- Qabsiga ‘’ Wixii FARMAAJO laga diiday ‘’

|

Muqdisho (ONKOD) Siyaasiin badan oo dagaal kula jiray xukuumadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxwaynihii hore ee dalka ayaa hadda weerar ku bilaabay , madaxwaynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud.

Siyaasiintan ayaa markii hore waxay isku saf ay ahaayeen , Madaxwaynaha hadda jooga Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ku midaysanayeen in xukunka laga tuuro Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Danaha shalay oo u muuqda in meesha ay ka sii baxayaan ayaa keenay in madaxwaynaha talada hayo uu la kulmo culays siyaasadeed oo kaga imaanaya saxiibadiisa hore.

Waxay ay sheegayaan siyaasiintan in madaxwaynaha hadda talada haya uu qaaday dhabihii shalay laga diiday Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo taasna ay tahay mid aan la ogolaan doonin.

Si caadi ahaan waxaa hal qabsi u noqday siyaasiinta dhaliilsan xukunka Xasan Sheekh Maxamuud hal qabsiga ah – ‘’La yeeli mayo , wixii shalay laga diiday Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ‘’

Fagaarayaasha siyaasada ayaa hal ku dhigan waxa uu ka noqday mid caadi ah oo ujeedkuna uu yahay in la duro xukunka hadda jira ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Siyaasiinta sida aad ah hal ku dhigan u adeegsanaya ayaa soo badanaya waxaana inta badan isticmaalay kalmadan siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhaliilsan sida hadda uu wax u wado Xasan Sheekh Maxamuud.

Keliya ma ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur siyaasiinta hal ku dhigaan adeegsada sidoo kale waxaa jira kuwa badan oo hadda dhaliilsan Xasan Sheekh Maxamuud oo qaaday dhabo ka duwan tii ay ka filayeen saxiibkoodo Xasan Sheekh Maxamuud.

Related Articles

News In English

Fikradaha