Haweenka ku dhaqan Baladweyne ayaa Ciidamada gaarsiiyay Deeq Raashiin ah

|

Baladweyne (Onkod Radio) — Haweenka ku nool magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa garab istaag u muujiyay ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka ee dagaalka kula jiro kooxaha Ururka  Al-Shabaab.

Haweenka magaalada Baledweyne ayaa iska aruuriyay deeq raashin ah oo ka kooban, Sonkor,Saliid,Bariis,Timir, Buskut iyo Caano, waxaana ay ugu talageen in ay ku dhiirigaliyaan ciidanka Dib u xoreynta gobolka Hiiraan oo kaashanaya kuwa Xoogga dalka.

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa kooxaha argagixisada ka xoreeyay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Related Articles

News In English

Fikradaha