Helsinki oo lagu qabtay xaflada sanadguurada 25aad Puntland & aas aaska khaatumo

|

Helsinki (ONKOD) Waxaa magaalada Helsinki ee dalka Finland lagu qabtay munaasabad isku sidkan oo loogu dabaal degayo 25 sano guuradii ka soo wareegatay aas-aaska Puntland iyo Aas-aaska Khaatumo oo todobaadkan lagu dhawaaqay.

Waxaa ka qayb galay ,munaasabadan Inta badan Soomaalida ku nool dalkaas , masuuliyiin , aqoonyanno  qaybaha bulshada iyo hogaamiyaasha Soomaalida ee xillaka ka haya Dowladda Finland.

Inta ay socotay munaasabadan waxaa laga jeediyay hadalo u badnaa hambalyada sanad guurada 25 aad ee aas aaska dowlad goboleedka Puntland & onkodia Khaatumo ee todobaadkan lagu dhaawaqy.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Puntland, Gudoomiye Geenyo oo munaasabada ka hadlay oo ka hadlay sooyaalka aas aaska Puntland ayaa sheegay in Puntland ay qaaday  dhabahihii Dimuqraadiyada oo ay tahay tusaalle mudan in lagu daydo.

Kiin Dagaari, ka socotay hoggaanka Jaaliyadda Galmudug ee Finland ayaa sheegtay in ay ku aamanayso  Dowlad goboleedka Puntaland dadaalkooda ku aadan horumarkooda  iyo sida ay tusaallaha wanaagsan ugu noqdeen maamul goboleedyada kale ee dalka  ka jira.

Sidoo kale Guddoomiyaha Jaaliyadda Khaatumo ee Finland Md. Abdisalaan saleebaan mire oo ka hadlay munaasabadda 25 sano guuradii ka soo wareegatay aas-aaska Puntland ee lagu qabtay magaalada Helsinki, ee dalka Finland ayaa sheegay in Puntland wax badan ay ka bedeshay nidaamka Federaalka , isaga oo sheegay in ay ku dayasho mudan tahay.

Xil. Xabiibo Cali, Golaha deegaanka Espoo ,  Xil. faysal Cabdi, Golaha deegaanka magaalada Vantaa & Xil. Muxyadiin Maxamed Xersi   , kana mid ah hoggaamiyaasha Soomaalida Filand ayaa munaasabada 25 sano guurada aas aaska Puntland  ka jeediyay hadalo  isugu jira hambalyo & bogaadin  waxay sheegeen in Puntland ay furto wado cusub

Dhamaan dhinacyadii ka hadlay  munaasabadan ayaa sheegay in  Puntland ay tahay dowlad goboleed la hiigsado maadama dhinacyo badan ay ku guulaystay in ay wax ka qabato tan iyo markii la aas aasay.

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha