Heshiis horudhac ah oo laga gaaray rabashadahii ka jiray KENYA

|

Nairobi (ONKOD ) Xubno ka kala socda Madaxwaynaha talada haya ee Kenya William Ruto  iyo hoggaamiyaha mucaaradka dalkaas ee horkacaya dibadbaxyada Raila Odinga ayaa  gaaray heshiis horudhac ah.

Labada dhinac oo kulan saacado badan qaatay ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa isla meel dhigay sida muhiim ay yahay in la joojiyo wax kasta oo keeni kara in amniga dalka faraha uu ka baxo.

Sidoo  kale  dhinacyada ayaa go’aamiyey in si hoose loo damiyo dabka shidan ee billowgiisa kasoo ifbaxay natiijada Doorashada uu ku guuleystay William Ruto hasayeeshee uu si cad uga hor yimid Raila Odinga oo ku tilmaamay mid lagu shubtay.

Sida ay  isla meel dhigeen labada dhinac xukuumadda hadda talada haysa ayaa laga dalbaday in ay joojiso cadaadiska ay ku hayso  mucaaradka ee keenay in ay sameeyaan dibadbaxyadii rabashadaha watay ee ka dhacay Kenya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya William Ruto ayaa dhowaan Albaabada wadahadalka u furay mucaaradkiisa isaga oo sheegay in uu diyaar u yahay in kala hadlo tabashooyinka uu qabo.

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha