Hooyo & caruur ay dhashay oo ku dhintay qarax miino

|

Ruun-nurgood (ONKOD ) Wararka aan ka – helayno  gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax waxyeelo gaystay.

Waxa lagu soo waramayaa in qaraxa uu ahaa miinada dhulka la galiyo , kaas oo haleelay gaari ay saarnayeen dad shacab ah.

Waxa ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxaas hooyo iyo cunugeeda oo ku sii jeeday deegaanka Ruun-nurgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saraakiil  ka  tirsan Dowladda ayaa xaqiijiyay in gaariga uu qaraxa haleelay keliya ay waxyeelo ay ka soo gaartay hooya iyo wiilkeeda.

Ruun-Nirgood oo todobaadkan ay si buuxda ula wareegeen ciidamada dowladda ayaa waxaa weli ka socda howlgallo amni xaqiijin ah, si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha