Dhuusmareeb (ONKOD ) Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa dib ugu soo gurtay degmada Ceelbuur iyo deegaanada kale ee Galmudug ,halkaa soo ay hore ugu saareen kooxda Al- Shabaab.
Ceelbuur waxa ay ka mid ahayd meelaha isha aad loogu hayay ee ay ku sugnayeen hoggaamiyaasha kooxda Al- Shabaaab ee dowladda ay aad u doon-doonaysay iyo saxiibada kale ee ku garab siinaya dagaalka.
Waxa jira in tuhuno badan uu hareeyay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ka dib fashilkii ku dhacay ciidanka howlgaladii ciidanka ay ka fuliyeen deegaano badan oo ka tirsan Galmudug.
Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay ku doonayso in ay kaga adkaato kooxda Al- Shabaab hase ahaatee waxa jira xagal daacooyin kala duwan oo saraakiisha dowlada dhaxdooda ah sida ay sheegayaan xogaha la helayo.
Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Cali Ciid oo tuhunsan in aan daacad laga ahayn daalka ayaa bartiisa Facebook soo dhigay maanso uu ku cabirayo in aan daacad laga hayn dagaalka .
Waxa uu soo qaaday maansadii ahayd :
Baadida ninbaa kula deydeya, daalna kaa badane Oon doonahayn inaad heshana, daayin abidkaaye Dadkuna moodi duul wada dhashoon, wax u dahsoonayne
(Abwan. Qamaan Bulxan) AHUN.
Sidan oo kale dad badan ayaa tuhunsan in aan la doonaynin in si dhab ah loo qabto howlgalka oo aanay jirin daacad la xiriirta ciribtirka kooxda Al- Shabaab oo muddo dheer dagaalka kula jirta Dowladda Soomaaliya.