Howlgallo lagu dilay xubno katirsan Ururka Al-Shabaab

|

Muqdisho (Onkod Rafio) — Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gor gor kaashanayo Ciidanka la magac baxay dib u xureynta degaanka ay si wadajir u fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa wuxuu si gaar ah uga dhacay dhulka buuraleeyda gobolka Hiiraan, halkaas oo a ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay buurta dacaarow oo saldhig weyn ay ku lahayeen Al-Shabaab, waxaana saraakiisha ciidamada Gorgor ay sheegeen inay howlgalka ku dileen lix Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale howlgaka kusoo furtay Afar Baqol oo neef Ari ah oo afduub ahaan ay u heesteen, kuwaas oo markii hore laga qaaday dad Shacab ah.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa ballan qaaday inay howlgalada sii wadi doonaan inta ay gobolka Hiiraan ka sifeenayaan kooxda Al-Shabaab oo dhibaato xoog leh u geysatay dadka shacabka ah.

Degaano badan oo ku yaalla Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda guluf oogan iyo howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, kaas oo ay wadaan Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo is abaabulay, waxaana ay la wareegeen degaano dhowr ah.

Al-Shabaab weli kama aysan hadlin howlgalkaan ay sarakiisha ciidamada dowladda sheegeen inay ku dileen 6 xubnood.

Related Articles

News In English

Fikradaha