Hubaal la’aan ka taagan Laascaanood & ciidamo lagu daad -gureeyay

|

Laascanood (ONKOD) Magaalada Laascanood ee gobolka Sool waxaa ka jira maanta dhaq dhaaq ciidan oo u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo kooxaha deegaanka ee gobolada Sool , Sanaag iyo Cayn.

Sida wararka aan helayno ay sheegayaan waxaa  halkaas ka jira cabsi xoogaan oo ka duwan  tii hore marka loo eego ciidamo fara badan oo halkaas lagu daad gureeyay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada SSC ayaa sheegay inay la socdaan dhaqdhaqaqyo ciidan oo ay wadaan Ciidamada Somaliland.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda cabsi ka muujinaya in mar kale uu dagaal ka qarxo halkaasi, maadaama labada ciidan ay guluf ka wadaan duleedka xarunta gobolka Sool.

Dagaallo culus oo u dhexeeyo labada dhinac ayaa maalmihii ugu dambeeyay dib uga qarxay aagga Laascaanood, kuwaas oo ay barbar socdeen duqeymo khasaare xoogan geystay.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee SSC ayaa dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay ku dagaalamayay degaano hoostaga Magaalada Laascaanood.

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha