IGAD ‘’ Dalalka geeska Afrika waxaa ku soo wajan cuni yari ‘’

|

Adis Ababa (ONKOD) Dawladaha xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD oo shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya  ayaa walaac ka muujiyey xaaladda nololeed ee in ka badan 55 milyan oo qof oo ku nool gobolka Geeska Afrika.

Dadkaan ayaa la sheegay in dhibaatada ugu daran ay waajahayaan ay tahya xaalado cunto la’aaneed, nafaqo-darro iyo dhibaatooyin kale oo ka dhashay colaadaha iyo isbedelka cimilada oo siwey u sameeyay Geeska Afrika.

Agaasimaha hey’adda xarunta saadaasha cimilada ee IGAD Guuleed Cartan  ayaa madaxdii ka qeyb gashay shirka uga warbixiyay xog uruurintii ugu dambeysay ee la sameeyay in ay muujinayso macluusha dalalka ku jirta Afrika.

Agaasimaha ayaa carabka ku dhuftay in arrintaan ay sabab u tahay colaadaha, cunto yarida iyo saameynta ka dhalatay duulka lagu qaaday Ukrine oo laga dareemay caalamka oo cunto yari ay ka dhalatay cunto yari.

Kol hore Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay bixineyso lacag dheeraad ah oo gaareysa 1.2 bilyan oo dollar oo gargaar bani’aadanimo ah, taasoo wax lagaga qabanayo dadka ay saameeyeen abaaraha daran ee xilligan ka jira Geeska Afrika.

Madaxa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ee USAID, Samantha Power ayaa sheegtay in lacagtani lagu kharash-garayn doono gargaar cunto, xaaladaha degdegga, lacago mucaawino qaas ah, tallaal iyo dawooyin la siin doono hooyada iyo dhallaanka, kuwooda aadka u xanuunsanaya.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha