Ilaalada xeebaha Turkiga oo soo badbaadiyay Muhaajiriin

|

Ankara (Onkod Radio) — Ciidamada Ilaalada xeebaha Turkiga ayaa soo badbaadiyay muhaajiriin ay ciidamada Gariigga dalkooda ka soo celiyeen, xilli ay dhuumasho ku galayeen.

Inta la xaqiijiyay 8 qof oo muhaajiriin ah ayay badda ka soo badbaadiyeen ciidamada ilaalada xeebaha Turkiga, halka ay soo bixiyeen maydka laba qof.

Dadka la soo badbaadiyay ayaa ahaa kuwa ay soo katiinadeeyeen ciidamada gariigga sidoo kalena ay badda ku soo tuureen, sida ay sheegeen ciidamada badda Turkiga muhaajiriintaan ma aysan wadan jaakadaha badbaada.

Ciidamada Gariigga ayaa dadkaan ka soo qabtay jasiiradda Sakiz (Chios), waxaana dib ay ugu soo celiyeen badda iyaga oo katiinadeysan.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa si adag u cambaareeyay in gariigga uu dib isaga soo celiyo dadka magangalyo doonka ah ee dalkiisa yimaada.

Related Articles

News In English

Fikradaha