IMF ‘’ Soomaaliya waxaa la siin doonaa dayn cusub ‘’

|

Muqdisho (ONKOD ) Guddiga sare ee IMF ayaa si rasmi ah u ansixiyay 100 milyan oo dollar oo deyn cusub ah oo Soomaaliya la siinayo.

Guddiga sare ee hay’adda ayaa shaaciyay in lacagtaan ay ku bixineyso muddo saddex sano ah gudahood.

Dayntaan cusub ayaa waxay ku dhisan tahay horumarka ilaa hadda la gaaray, oo ay ku jiraan Barta dhamaystirka dayn cafinta Soomaaliya, iyo dib-u-habaynta lagu xoojinayo hay’adaha dhaqaalaha ee muhiimka ah.

“Barnaamijku wuxuu taageeri doonaa istaraatiijiyada dib-u-habaynta ka dib dayn cafinta dalka, si loo sii xoojiyo hay’adaha dhaqaalaha ee muhiimka ah ‘’ ayay tiri IMF.

IMF waxay sheegtay bishii Nofembar in ay heshiis horudhac ah la gaareen dowladda Soomaaliya, heshiiskaas oo ku saabsanaa in dalka la siiyo $100 milyan oo doolar, oo dayn ah.

Ansixintan ayaa daba socota gaarista barta dhamaystirka ee barnaamijka deyn ka-cafinta dalalka saboolka ah ee deymaha badan lagu leeyahay (HIPC).

Related Articles

News In English

Fikradaha