Imran Khan oo guul lama filaan ah ka gaaray siyaasadda Pakistan

|

Raysul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa dib u soo cusbooneysiiyey baaqiisii ahaa in doorashada wakhtigeeda laga soo hormariyo kaddib marki uu xisbigiisa guul lama filaan ah uu ka helay golaha gobol loollanka siyaasadeed ee Pakistan muhiim u ah.

Xisbigiisa PTI ayaa ku guuleystay 15 ka mid ah 20-ka kursi ee golaha gobolka Punjab oo uu ku xoogganaa xisbiga xifaaltanka uu kala dhaxeeya ee PML-N.

Natiijada doorashada ku celiska ee ka dhacday gobolkaasi waxay saadaal u tahay waxa dhici kara doorashada guud ee bisha October 2023-ka dalkaasi ka dhaceyso oo loo badinayo in wakhtigeeda laga soo hormariyo.

Raysul wasaarahii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa bishii April xilka laga qaaday kaddib marki uu lulimyey kalsoonida baarlamaanka waddankiisa.

Dhanka kale, natiijada ka soo baxday Punjab ayaa jab weyn ku ah Raysul wasaaraha xilka sii haya Shehbaz Shariif oo hoggaaminaya xisbiga PML-N.

Dowladdiisa oo marki horaba isbahaysiga ku dhisneyd oo aan lugaha badan ku taagneen waxaa u bilalabatay guul darro siyaasadeed.

Dadka siyaasadda dalkaasi u dhuun daloola waxay sheegayaan, Pakistaan oo la daalaa dhaceyso sicir barar aan horay loo arag iyo baahi dhinaca tamarta ah, haddii ay xasilooni darro siyaasadeed ugu darsanto waxaa dhici karta xaaladda dalkaasi iney faraha ka baxdo.

Gobolka Punjab oo ka mid ah gobollada ugu dadka badan Pakistan muddo dheer waxaa si weyn looga taageerayey xisbiga PML-N ee Raysul wasaare Shariif iyo walaalkii ka weyn oo seddex jeer dalkaasi Raysul wasaare ka soo noqday ee Nawaaz Shariif.

Hase yeeshee doorashada Axaddii gobolkaasi ka dhacday xisbigaasi wuxuu ka helay oo keli ah 4 kursi halka 1 kursina uu helay musharrax madax bannaan.

Doorashadan ku celiska ah ayaa lagu dhawaaqay kadib markii xildhibaanno ka tirsan xisbiga PTI laga diiday inay u codeeyaan Sharif Hamza si looga doorto wasiirka ugu sarreeya gobolka Punjab. Muddadii koobnayd ee uu xafiiska joogay ayaa hadda u muuqata mid sii dhamaanaysa.

Balse Imran Khan ayaa u muuqda mid saxada siyaasadda ku soo laabanaya. Waxaa tani iyo markii xilka laga tuuray uu kumannaan taageerayaasha PTI ku soo jiidanayay isu soo baxyo uu horkacayey.

“Waxa keli ah ee aan ku socda isla-markaana rajeynayo waa in la qabto doorashooyin xor ah oo daah-furan,” ayuu yiri Imran Khan qoraal uu Isniintii soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Cyril Almedia oo siyaasadda falanqeeya wuxuu sheegay tani iyo markii codka kalsoonida uu ka waayey baarlamanka dalkaasi uu ku baaqayey doorasha cusub in si degdeg ah loo qabto.

Natiijada gobolka Punjab waxay iftiimisay codbixiyeyaasha gobolkaasi iney farriin adag oo ku aaddan dhaqaalaha aadka u adag ee ay wajahayaan gaar ahaanna sicir bararka si ay wax uga qabtaan ay u dirayaan madaxda dowladda.

Sicir bararka iyo sare u kaca maciisahadda ayaa sii socda iyada oo ay dowladdu isku dayeyso wax ka qabashada dhibaatooyinka deynta dibadda oo intooda badan laga dhaxlay maamulkii Imran Khan ka hor inta aan xilka laga tuurin.

Mr Khan ayaa xil ka qaadistisa ku eedeeyey “shirqool shisheeya” oo uu Mareykanka hogaaminayo, inkasta oo ay Washington eeddaasi diidday.

“Imran guusha gobolka Punjab uu xisbigiisa ka gaaray wuxuu xaqiijiyey isaga oo ciidamada, maalqabeennada iyo shaqsiyaad doorashadiisa u ololeeya midna aan garab ka heleyn, balse wuxuu ahaa codbixin ay shacabku rabitaankooda ku dhiibteen,” ayey tiri Benazir Shah oo siyaasadda ka faalloota.

 

Dhibaatada dhaqaale ee Pakistan ka taagan intey gaarsiisan tahay?

Isbahaysiga marki ay xilka la wareegeen go’aannada ay fuliyeen waxaa ka mid ah dhaqaalihi shidaalka dalkaasi ay dowladda ku kabi jirtay iney la noqoto si ay hay’adda lacagta adduunka ee IMF ay Pakistan u siiso kaalmo lacageed oo dhan 7.2 balyan oo doolar.

Cyril Almedia wuxuu aaminsan yahay guusha doorashada gobolka Punjab iney ku timid tallaabbada ay dowladda isbahaysigu qaadday ee ay ku kalliftay IMF.

Wuxuuna intaa ku daray haddii ay kooxda Imran Khan talada dalka ku soo noqdaan, ay dhici karto iney raadiyaan waddo ay xisbiga PML-N ugala xaajoon karaan heshiiska IMF ay la galeen.

Dalka Pakistan oo sanado badan ahaa dimuqraadi baarlamaani ah ayaa waxaa tan iyo 1947 soo maray 29 ra’iisal wasaare oo mid kamid ah laba goor xilka loo dhaariyay sanad gudihii.

18 goor ayaa ra’iisal wasaarayaal soo maray Pakistan xilka looga qaaday sababo ay kamid yihiin afgembi milateri, khilaaf xisbigooda dhexdiisa ah iyo eedeymo musuq maasuq, halka ra’iisal wasaarihii koobaad, Liaquat Ali Khan, toogasho lagu dilay magaalada Rawalpindi, October 1951.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha