Imtixaanka Shaahaadiga ah oo Lasoo Gabagabeeyay

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Waxaa maanta lasoo gabagabeeyay Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiga sare oo sanad waliba ay qaado wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare, waxaana sanadkaa u fariistay 35,000 oo arday oo kala soday gobolada dalka iyo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wasaaradda waxbarashada ayaa sanad dugsiyeedkii 2014-2015 bilowday qaadista Imtixaanka Shaadiga ah ee fasalada 8-aad iyo 12 -aad ee dugsiyada dhexe iyo sare looga kala gudbo, ardayda ayaana gala imtixaankaan kadib marka ay soo galaan imtixaanada Daladaha ee maamula Iskuullada gaarka ah.

Maalinimadii Isniinta ayaa intii lagu gudo jiray Imtixaanka waxaa uu dhaawac soo gaaray sedex arday, kuwaas oo ay ku dhacday xabado ay rideen ciidanka ilaalada ee Booliiska, xilli ay imtixaanka ku galayeen Iskuulka Macalin Jaamac  ee degmada Xamarweyne kadib buuq  dhex maray iyaga iyo ciidanka.

Related Articles

News In English

Fikradaha