Iran oo la wareegtay laba markab oo laga leeyahay dalka Giriiga

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee dalka Iran oo adeegsanaya diyaaradaha sida qumaatiga ah u kaca ayaa gacanta ku dhigay laba markab oo laga leeyahay dalka Giriiga oo shidaal siday. Masuuliyiinta dalka Iran ayaa sheegay inay hawlgalkan ka fuliyeen gacanka istaraatejiga ah ee Faaris.

Tallaabadan ayaa u muuqata in dalka Iran uu kaga aargudanayo dalka Giriiga, taageeradii uu u fidiyey dalka Maraykanka si ay gacan ugu dhigaan Markab siday saliidh caydhiin oo ku safrayey calanka dalka Iran, kaas oo toddobaadkan ay gacanta ku dhigeen Maraykanku isaga oo maraya biyaha badda Mediterranean-ka, ka dib markii lagu eedeeyey inuu ku xadgudbay cunaqabatayntii ay Washington ku soo rogtay dalka Iran.

Hawlgalkan ay Iran kula wareegtay labada markab ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee ka dhaca gacankan istaraatejiga ah muddo bilo ah, iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda u dhexeysa Iran iyo reer galbeedka ee ku aaddan heshiiskii nukliyeerka ee ay la gashay quwadaha adduunka. Maaddaama Tehran ay kobcinayso uranium badan, oo ku dhow heer u sahlaya inay soo saarto hubka Nukliyeerka ee wax gumaada.

Ciidanka ilaalada kacaanka ayaa ku eedeeyey labadan Markab inay xadgudub sameeyeen, waxaana tallaabadani ku soo beegantay iyada oo Iran ay hore u sheegtay inay qaadi doonto tallaabo looga aargudanayo dalka Giriiga oo ka caawiyey Maraykank inuu la wareego Markab ku safrayey calanka dalka Iran.

 

AP        VOA

Related Articles

News In English

Active participation of women and young people in peacebuilding is key to forging social cohesion in Lower Shabelle

Mogadishu (Onkod Radio) – 28 June 2022, Community members, including women and youth groups, met in Marka for the “Promoting Inclusive Action in Peacebuilding”...

Two TV journalists injured in a bomb explosion in central Somalia

Mogadishu (Onkod Radio) –  Somalia 27 June, 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) condemn the bomb attack that has injured two...

Somalia faces climate emergency and famine as fourth rainy season fails

Mogadishu (Onkod Radio) – An unprecedented fourth failed rainy season with catastrophic hunger, disease and displacement has forced Somalia into a climate crisis, the...

SMSJ: Attacks against Somali journalists and media and impunity for these crimes must end

Mogadishu (Onkod Radio) – Somalia 24 June, 2022 – The Somali Mechanism for the Safety of Journalists (SMSJ), a network coalition of seven journalists’ unions and...

Sheikh Shakhbout bin Nahyan receives Somalia’s president at Abu Dhabi airport

Mogadishu (Onkod Radio) – Sheikh Shakhbout bin Nahyan, Minister of State, on Sunday received Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud at the Abu Dhabi Presidential...

Fikradaha

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...