Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen ayaa shaaca ka qaaday inay sii dayeen Maxaabiis

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen ayaa shaaca ka qaaday inay sii dayeen 163 Maxbuus oo ka tirsan kooxda Xuuthiyiinta.

Warbaahinta Yemen, ayaa sheegtay isbaheeysigu inuu qiimeeyay dadaallada iyo doorka guddiga caalamiga ah, ee Laanqeeyrta Cas, isku daba-ridka wareejinta Maxaabiista.

warku waxaa intaasi uu ku darayaa in hindisaha Sucuudi Carabiya, uu yahay mid Bini’aadamnimo si loo dhammeeyo galka Maxaabiista ee labada dhinac loona taageero dadaallada labada dhinac.

dhanka kale ergayga gaarka ah, ee Qaramada Midoobay, u qaabilsan Mr…… ayaa soo dhoweeyay Maxaabiista uu sii daayay Dowladaha sunniga ah, iyo Maxaabiista ay horay usii daayeen kooxda xuutiyiinta iyo Dowladda Yemen.

dhinacyada Yemen, waxay ku heshiiyeen bishii hore  ayagoo marayo xafiiskayga hannaanka Maxaabiista la isku weedarsanayo waxaana ku boorriyay hergalinta heshiiskaasi ayuu yiri u qeeybsanaha Qaramada Midoobay ee Dalkaasi Yemen.

isbaheysiga dowladaha sunniga ee ay horkaceyso Sucuudi Carabiya, ayaa shaaca ka qaaday in saddex diyaaradood u anba baxeen Magaalooyinka Cadan iyo Sanca, si ay u wareejiyaan Maxaabiista qeeyb ka mid ah, dadaallada Binia’adannimada ee Suciidi Carabiya.

sidoo kale isbaheysiga sunniga ayaa sheegay 37 Maxbuus lagu wareejiyay kooxda xuutiyiinta kuwaas oo la marsiiyay dhinaca dhulka ah, maadaama deegaannada ay doonayeen Maxaabiistaasi ay u dhowyihiin Mandiqada xudduuda.

108 Maxbuus ayaa lagu wareejiyay magaalada Cadan, 9 ka mid ah, maxaabiistani waxaa la geeyay magaalada Sanca, halka 9 kalena oo ka tirsan dagaalyahannada Ajnabiga lagu wareejinayo safaaradaha dalalkooda ayaa lagu yiri warka kasoo baxay isbaheysiga taageera dowladda Yemen.

Afhayeen u hadlay Ciidamada isbaheysiga oo lagu magacaabo Jeneraal Turki Al-Maaliki, ayaa sheegay bishii April ee lasoo dhaafay in hoggaanka ciidamada isku dhafka ah, isbaheysigu uu sii deeyn doono 163 Maxaabiis oo Xuutiyiin ah, oo ka qeeyb qaatay howl-gallada Dagaalka ee ka dhanka ah, dalka boqortooyada Sucuudi Carabiya, taasoo ah, hindisaha Binia’adannimo.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in tallaabadaan ay imaaneyso in la taageero dhammaan dadaallada lagu doonayo in lasoo afaro xiisadda dalka Yemen, iyo sidii nabad loo dhalin lahaa Jneraal Al-Maaliki, ayaa sheegay in Taliska ciidamada isku dhafka ah, isbaheysigu uu la shaqeynayo guddiga caalamiga ah, ee Laanqeeyrta Cas, si loo wareejiyo Maxaabiista Xuutiyiinta.

Ururka Qaramada Midoobay, ayaa shaaca ka qaaday 1da, bishii April dhinacyada dalka Yemen ay ku heshiiyeen Xabad-Joojin Binia’adannimo iyo in la joojiyo dhammaan howlgalada Millateriga ah, ee labada dhinac iyo in la furo Madaarka Caalamiga ee Sanca.

Arrimahaan ayaa imaanaya xilli ay magaalada Riyadh, Caasimadda boqortooyada Scuudi Carabiya, lagu dhisay gole hoggaamineed ee kala wareegay howlaha Maamulka Siyaasadda iyo Millateriga, Dowladda uu Madxweyne ka ahaa Cabdirabbi Mansuur Haadi. Xigasho VOA Somali.

Related Articles

News In English

Fikradaha