Iska horimaad Khasaaro gastay oo Garawe ka dhacay

|

Muqdisho (ONKOD ) Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaasi goordhaw ka dhacay iska horimaad sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in is rasaasayntu dhexmartay ciidamo ka tirsan dowladda Puntland iyo kuwa taabacsan dhinaca mucaaridka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada dowladda oo gelbinaya nin Youtuber ah lagu weeraray barxadda Garoowe.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday is-rasaasaynta halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidanka dowladda.

Weli ma cadda waxa iska hor-imaadka sababay islamarkaana kama hadlin laamaha Amniga dowladda Puntland.

Dadkii oo dhaweynta u sameyn lahaa ninkan baraha bulshada caanka ka ah ayaa goobta ku kala cararay, waxaana magaalada Garawe soo maray daqiiqado xasillooni darro iyo kala carar ah oo shacabka la kulmen.

Dhinaca kale ciidamada mucaaridka ayaa hoobiye ku tuuray afaafka hore ee xarunta madaxtooyada inkastoo aan la sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha