Israa’iil oo dadkeeda kaga digtay iney kabaxaan Masar &Urdun

|

Tel Viv (ONKOD) – Israa’iil ayaa muwaadinintooda kusugan wadamadda Carabta ah ugu baaqday iney kasoo baxaan maadaama cabsi xooggan ey kaqabaan in labeegsado muwaadiniintooda kudhaqan wadamadda Carabta ah.

Sidoo kale, Wakaalada wararka ee AFP ayaa shaaca kaqaaday in Israa’iil ey sheegtay in muwaadiniintooda kusugan Masar iyo Urdun in si deg deg ah uga baxaan wadamadaas, kuwa hada qorsheynayayna eyjoojiyaan aaditaanka wadamdaas.

Dhanka kale, Bayaan culus oo kasoo yeeray golaha ammaanka Israa’iil ayaa lagu sheegay digniinaha safarka Masar iyo Urdun ilaa heerka 4aad tala bixinta in aan loosoo safri karin dalalkaas kuwii sii joogeyna iney si dhaqsi ah uga baxaan.

Israel ayaa sidoo kale horey uga dirtay muwaadiniintooda ku sugan dalka Turkiga in ay feejignaadaan, waxa ayna digniinahan imaanayaan xilli dadka Muslimiinta ah ka carroodeen xasuuqa Isreal ka wado magaalada Gaza.

Related Articles

News In English

Fikradaha