Shireen Abu Akleh oo ay da’deedu 51 jir ahayd oo muddo dheer wararka ka soo tabinaysay Daanta Galbeed ayaa xilliga la tooganayay si toos ah u tabinaysay iska-hor-imaad ay ciidamada Israa’iil ku lug lahaayeen oo ka dhacay halkaas, waxaana la sheegay in ay rasaas uga dhacday madaxa.

Waa weriye aad looga yaqaanno Bariga Dhexe, iyada oo ka mid ah weriyeyaasha ugu saamaynta badan Laanta Carabiga ee Aljazeera, waxayna halkaas ka shaqaynaysay muddo 15 sano ah.

Weriye Nida Ibraahim oo la shaqeysa Telefishinka Aljazeera ayaa sheegtay in Shareen ay ahayd “Saxafiyad aad loo ixtiraamo” waxayna sheegtay in toogashada weriyaha uu “naxdin ku yahay saxafiyiinta la shaqaynaysay”.

Sida ay tabisay Aljazeera, wasiirka arrimaha dibedda Qatar ayaa falka Israa’iil xilligaas ku tilmaantay fal argagixiso oo uu qaran maalgalinayo.

Qoyska Shireen oo markii dambe magaalada Washington DC kula kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken waxay u sheegeen in maamulkoodu aanu wali “si buuxda uga jawaabin baaqooda ku aaddan inay Shireen caddaalad hesho.”