Itoobiya mar kale miyay cagta saartay wadadii burburka ?

|

Adis Ababa (ONKOD) Gobolka  Amxaarada waxaa  wali ka sii ka socda dagaal waxyeelo ba’an gaysanaya waxaana lagu soo waramayaa inuu sii xogaysanayo dagaalka isaga oo ku sii fiday magaalooyin hor leh oo ka mid ah gobolkaas.

Sanadihii u dambeeyay, jabhadda Oromada,  ayaa dagaal kula jiray ciidamada amaanka ee deegaanno ka tirsan gobolka Oromia, markii uu soo af-jarmay dagaalkii Tigray, dagaal kaas lamid ah ayaa ka qarxay gobolka Amxaarada.

Dagaalka hadda socda oo sii xoogeystay maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo maleeshiyaad ka dhisan gobolka Amxaarada oo la yiraahdo Fano.

Dagaalkaas oo horseeday in dowladda ay ku dhawaaqdo xaalad degdeg ah, furimaha dagaalkana ay u dirto ciidan.

Axmaarada ayaa ah gobolka labaad ee ugu dadka badan Itoobiya, waxaana ku nool in ka badan saddex laab dadka Tigrayga, waxaana qaybo ka mid ah Amxaarada ay magaalada Addis Ababa u jirtaa 50 km oo keliya.

“Xukuumadda Abiy uma badna inay ka badbaado kacdoonka joogtada ah ee ka socda gobolka Axmaarada, gaar ahaan marka la eego dhibaatooyinka siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee sii kordhaya ee dalka,” ayuu yiri Addisu Lashitew, oo ka tirsan Machadka Brookings.

Dalka Itoobiya ayaa la daalaa dhacaya dagaallada soo noqnoqday ee u dhaxeeya qowmiyadaha iyo dowladda dhexe, sidoo kale qowmiyadaha ayaa ayagu isku laaya gobollada qaar.

Related Articles

News In English

Fikradaha