Janaraal Stephen Townsend, ayaa sheegay Soomaaliya inay Kenya ka Amni badan tahay

|

Muqdisho (Onkod Radio) Madaxa taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) Janaraal Stephen Townsend, ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay uga halis badan tahay Soomaaliya, in ciidamada Mareykanka ee loo xil-saaray Soomaaliya, ay ka howlgalaan.

Janaraal Townsend, oo su’aalo uga jawaabayay guddi ka tirsan Senate-ka Mareykanka ayaa sheegay in go’aankii uu madaxweyne Trump, Ciidamada uga soo saaray Soomaaliya uu adkeeyey inay la dagaalamaan Al-Shabaab. 

Waxa uu sidoo kale sheegay in Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qacida ay tahay “kooxda ugu koritaanka badan, ugu hodansan, uguna wax dilista badan dhammaan kooxaha argagixisada ee caalamka.”

Waxa uu intaas ku daray in soo bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya, ay dadka Mareykanka ah ee ku sugan dalalka deriska la ah ka dhigtay kuwa wajahaya halis ka badan tii hore.

“Aragtidayda waxay tahay in dagaalkeena hadda goos gooska ah, ama aan ugu magac darnay dagaalka usoo safarka, uu horseeday caqabado iyo halis cusub oo soo wajahday ciidamadeena,” ayuu yiri Townsend. 

“Qiimeynteyda waxay tahay in taasi aanay wax ku ool aheyn, oo aanay ku filneyn islamarkaana ay ciidankeena gelineyso halis ka ballaaran sidii hore,” ayuu yiri Jeneral Townsend. 

Related Articles

News In English

Fikradaha