Jilaa 30 sano la raadinayay haddana filimada ku jiray

|

Om Prakash – oo sidoo kale loo yaqaan Pasha – ayaa ku soo baxay liiska “dembiilayaasha loogu doonista badan yahay” ee booliska gobolka waqooyiga Hindiya ku yaalla ee Haryana.

Muddo 30 sano ah, ninkan oo hore uga tirsanaa ciidamada Hindiya – loona heystay dhac iyo dil- ayaa ku dhuumanayay gobolka Uttar Pradesh. Halkaas, ayuu ka billaabay nolol cusub isagoo beddelay waraaqihiisii aqoonsiga, guursaday haweeney deegaanka ka soo jeedda oo ay isku dhaleen saddex carruur ah.

Balse, horraantii toddobaadkan, ayaa laga daba tagay markii boolisku uu 65 jirkan ka soo xiray gurigiisa oo ku yaalla isku-raran ku taalla magaalada Ghaziabad.

Ilaa laga soo xirayay, wuxuu boolisku sheegay in Om Prakash uu xiran jiray dhowr koofiyad – uu kaxeyn jiray gaari xamuul ah, isla markaana uu booqan jiray xaafadaha u dhow dhow isagoo ka mid ahaa koox munaasabadaha diimaha ka heesta, sidoo kalena uu ka soo muuqday 28 filim.

Om Prakash ayaa hadda xabsi ku jira kamana uusan hadlin eedeymaha loo soo jeediyay, balse Vivek Kumar oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee gobolka Haryana, qeybna ka ahaa kooxdii soo xirtay, ayaa BBC-da u sheegay in ninkan uu u hoggaansami waayay amar lagu soo xirayay isagoo loo heysto dil uu geystay sanadkii 1992.

Labo maalin kaddib xirigga Om Prakash ayaa warbaahinta qabsaday, waxaanu raadinnay qoyskiisa si ay arrintan uga hadlaan.

Isku-raranta Harbans Nagar oo ah meel ciriiri ah, guryuhuna ay isa saaran yihiin, waxay nagu qaadatay saddex saac iyo bar inaan helno gurigiisa.

Waxaan la kulannay Rajkumari, xaaskiisii 25 sano ay is qabeen, iyo labo ka tirsan carruurtiisa – wiil 21 jir ah iyo gabar 14 jir ah.

Joodari hoostiisa, ayay Rajkumari ka soo saartay wargeys af-Hindi ku qoran oo lagu xusay eedeymaha ka dhanka ah ninkeeda, waxayna sheegtay inay weli yaabban yihiin, oo aysan wax war ah ka heyn dembigan hore loogu heystay.

Balse qoyskiisu ma doonayo inuu wax badan ka dhaho arrinta ama uu difaaco Om.

Waxay sidoo kale ku eedeynaysaa qiyaano. “Waxaan is guursannay sanadkii 1997, aniga oo aan ogeyn inuu hore u guursaday uuna qoys ku lahaa Haryana,” ayay tiri Rajkumari.

Waa kuma Om Prakash – maxaase lagu eedeynayaa?

Sida uu aaminsan yahay qof deggan xaafadda Naraina oo ka tirsan degmada Panipat ee gobolka Haryana, “Om Prakash wuxuu muddo 12 sano ah wade ka ahaa gaariga xamuulka u ahaa ciidamada Hindiya, kahor inta aan shaqada laga tirin sanadkii 1988, sababo la xiriira inuu afar sano ka maqnaa shaqada”, ayuu yiri Kumar.

Wuxuu intaa ku daray in Om Prakash uu khalad badan ka galay sharciga kahor dilka lagu eedeeyay – wuxuu sheegay in sanadkii 1986 uu gaari xaday, isla markaana, afar sano kaddib, uu xaday mooto, harqaan iyo qalab kale.

Dembiyadan ayaa ka dhacay degmooyin kala duwan, qaarkoodna wuxuu boolisku sheegay in loo xiray kaddibna damaanad lagu sii daayay.

Bishii Janaayo 1992-kii, Kumar ayaa sheegay in Om Prakash iyo nin kale ay isku dayeen inay dhacaan nin watay mooto.

“Markii ninkii uu is difaacay, toorrey ayay ku dhufteen. Markii ay arkeen koox dadka xaafadda ahna way carareen,” ayuu yiri.

Ninka kale, ayuu Kumar xusay in la qabtay uuna “toddobo sano xabsi ku qaatay” kahor inta aan la sii deyn.

Balse, Om Prakash ayaa dhuuntay iyadoo xukunkiisiina meel la iska dhigay.

Tan iyo intii la soo xirayay, booliska ayaa tilmaamay inuu u sheegay in sanadkii ugu horreeyay markii uu dilku dhacay kaddib uu ku qaatay macbadyo ku yaalla gobollada koofureed ee Tamil Nadu iyo Andhra Pradesh.

Sanad kaddib, markii uu ku laabtay waqooyiga Hindiya, wuxuu ku adkeystay intii uu gurigiisa aadi lahaa, in uu aado meel 180km u jirta Ghaziabad, halkaas oo uu gawaarida xamuulka ah ku kaxeyn jiray.

Rajkumari, oo ay is guursadeen sanadkii 1997, ayaa sheegtay in halkaas looga yaqaanno Bajrang Bali ama Bajrangi, waxaana loogu magac-daray dukaan uu lahaa sanadihii 1990-meeyadii, oo uu ku gadi jiray cajaladaha aflaamta. Waxaa sidoo kale loo yaqaannaa “Fauji Tau” – adeer askari- oo laga keenay sanadihii uu ciidanka ka tirsanaa.

Laga soo billaabo sanadkii 2007, wuxuu sidoo kale kaalimo yar ku lahaa aflaanta luqadda Hindiga ku bixi jiray, isagoo matali jiray madaxa xaafadda iyo kaalimo kale. Mid ka mid ah aflaamta- Takrav – waxaa barta Youtube-ka laga daawaday 7.6 milyan oo jeer.

Booliska ayaase sheegay, in Om uu sameeyay hal khalad oo weyn, kaas oo ah in dhammaanba waraaqihiisa aqoonsiga ay ku jireen magacyada saxda ah ee aabbihiis.

Sheekada Rajkumari

Booliiska ayaa aaminsan in qoyska cusub ee Om Prakash amaba deriskiisa aysan waxba kala socon dembiyadii uu hore u galay.

Rajkumari ayaa sheegtay in kaddib guurkoodii, ay ogaatay in Om Prakash uu wax qarinayo. Wuxuu geeyay xaafadda Naraina isagoo baray walaalkiis iyo qoyskiisa, isagoo u sheegay inay saaxiibbadiis yihiin.

Sanado kaddib, waxay sheegtay inay ka war heshay guurkiisii hore kaddib markii xaaskiisa ay timid. “Markaas ayaan aniga iyo deriskaba ogaannay inuu nolol hore lahaa – xaas iyo wiil uu qariyay. Waxaan dareennay in nala khiyaanay. “Guurkoodii, ayay sheegtay, inuu saameeyay maqnaanshihiisa dheer, oo ay sheegtay inay sabab u ahayd shaqadiisa gaariga xamuulka ee meelaha dheer uu u kaxeeyo, balse haatan waxay aaminsan tahay in sababtu ay ahayd inuu qoys kale lahaa.

Xiriirkoodii ayaa sii xumaaday, lammaanahan ayaa si joogto ah isku dagaali jiray iyadoo sanadkii 2007 mar kale la waayay. “Waan daalay ilaa aan xiriirka u jaro, waxaana u tagay xafiiska dowladda waxaana u sheegay inaysan waxba naga dhexeyn hadda kaddib.

Balse toddoba sano kaddib ayuu soo laabtay isagoo marna noo imaanayay marna naga maqnaa. “Wuu na aflagaaddeeyaa, balse mar walba oo uu yimaado waxaan siin jirnay cunto sababtoo ah waa aabbaheen,” ayay tiri gabadhiisa oo 14 jir ah.

Rajkumari ayaa sheegtay inay jirtay mar ay booliisku xireen iyagoo uga shakisan xatooyo

Sidee loo daba galay?

Sanadkii 2020 – sanad kaddib markii Haryana loo sameeyay ciidamo gaar ah oo inta badan daba gala kiisaska dembiyada abaabulan iyo argagixisanimada iyo kuwa la xiriira xudduudaha gobollada, feelka Om Prakas ayaa dib loo furay.

Ciidamada ayaa ku daray liiska “dadka loogu doonista badan yahay” waxayna ku dhawaaqeen abaalmarin dhan 25,000 oo rubiga Hindiya ah ($315; £261) oo la siinayo qofkii sheega warbixintiisa.

Balse weriye sare oo ka tirsan wargeyska Indian Express oo lagu magacaabo Amil Bhatnagar, oo sanado deegaanka Ghaziabad ka sameyneysay sheekooyinka dembiyada la xiriira ayaa sheegtay in booliisku ay dib u furaan kiisaskii hore keliya marka ay la xiriiraan argagixisannimo amaba dilalka badana.

Ma cadda weli sababta ay booliisku u go’aansadeen inay dib u baaraan kiiska. Balse labo bilood kahor soo qabashadiisa, booliiska ayaa boooqday xaafadda Naraina waxayna la hadleen dadka ay da’doodu tahay 50 ama 60-meeyada si ay ugu sheegaan waxa ay ka xusuustaan Om Prakash.

Halkaas ayay ka heleen fekerkii ugu horreeyay ee ah in laga yaabo inuu ku nool yahay meel ka mid ah gobolka Uttar Pradesh.

Markii labaad ee ay tageen xaafadda waxay heleen telefoon ku diwaan gashan magaca Om Prakash kaas oo u suurto geliyay inay helaan halka uu ku nool yahay.

Maxaa lagu sameyn doonaa?

Soo xiritaanka nin muddadaas dheer dhuumaaleysi ku jiray ayaa waxay ciidamadu u arkana guul, balse waxaa la aaminsan yahay in shaqada ugu adag ay booliisku hadda u bilaabaneyso.

Waxaa u taalla inay maxkamadda u caddeeyaan inuu yahay ninka saxda ah. iyadoo maxkamadaha ay si qoto dheer u baarayaan inuu yahya ninka la doon doonayo iyo inuu dembigaas geystay iyo in kale.

Bbc Somali

Related Articles

News In English

Fikradaha