Jubbaland ma doonayso in ATMIS dalka ay ka baxaan.

|

Kismaayo (ONKOD ) Dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa biloday qorshe Ciidanka Dowladda Soomaaliya si buuxda ay ugula wareegayaan goobaha ay banayeen ciidanka ATMIS.

Goobaha ciidanka ATMIS la qoshaynayo in ay banayeen waxaa qayb ka ah Jubbaland halkaas oo ay ka howlgalaan ciidanka Kenya ee ATMIS.

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya in xilliga aysan ku haboonayn in ciidanka ATMIS ay ka baxaan gudaha dalka , maadama la guda galayo wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al- Shabaab.

Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in ay muuqanaysa in laga deg degayo in ciidanka ATMIS ay ka baxaan goobo badan ood dalka ah

Maxamuud Sayid Aadan ayaa tilmaamay inuu yahay mid aan laga fiirsan, sida uu hadalka u dhigay isla markaana ay ahayn in si feejigan looga fiirsado ka bixitaanka ciidanka ATMIS ee xilligan.

Sidoo kale waxaa uu carabka adkeeyay in Jubbaland ay ka walaacsan tahay qorshaha bixita ATMIS, maadaama weli dalka uu ka socdo guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya ay ku dhowaaqday in ATMIS ay dalka ka baxeyso, amnigana ay la wareegayaan ciidamada Xoogga dalka.

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha