Jubbaland oo beenisay in Itoobiya ay hub ka dejisay Magaalada Kismaayo

|

Wasiirka wasaaradda amniga Jubbaland Jeneraal Yusuf  Xuseen Dhumaal, ayaa been abuur ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Dowladda Dhexe,kaasi oo ahaa in Itoobiya ay labo diyaaradood oo hub siday ay maalintii Sabtiga ka dejisay Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG u ah Jubbaland.

Wasiir Dhumaal ayaa tilmaamay in wax laga xumaado inay tahay in Dowladda iyada oo aan wax cadeyn ah heysan ay eedo nucaas oo kale ay jeediso,isla markaana wixii ay baraha bulshada ka aragto ay iska soo qaadato iyada oo hubsan run ahaan shihiisa.

Wasiirka amniga Jubaland Jeneraal Dhuumaal ayaa wareysigaan uu ku beeninayo eeda Dowladda Federaalka waxa uu siiyay laanta Af Soomaaliga ah ee VOA, waxa uu shaaca ka qaaday in Itoobiya ay Soomaaliya meelo badan ay ka jogaan sida Gedo, Bay, Bakool iyo Hiiran oo ay sameeyn karaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo uu ku tilmaamay mid ay shixnado hub iskugu gudbin karaan ama ciidamo isku badelid.

Sidoo kale wasiirka ayaa beeniyay inay jirtay in Ciidamada Itoobiyaan ah oo isku dayay inay fariisimo ka sameeystaan Buula Xaawo ay dadka degaanka ka horyimaadeen, waxa uu carabka ku dhuftay inaysan jirin warkaasi oo ay xitaa Buula Xaawo joogin ciidan ka hor imaan kara kuwa Itoobiya  ayna magaaladaasi meel u jirta 5 KM ay saldhig ku leeyihiin.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha