JUXA ‘’ Way diideen mucaaradka inay nala hadlaan ‘’

|

Muqdisho (ONKOD ) Maamulka hadda talada haya ,  ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wada- hadal ay la galaan xubnaha mucaaradka ee ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxaa ayaa  ku eedeyay xubnaha mucaaradka in aysan diyaar u ahayn wada hadal ay ka galaan arrimaha doorashooyinka si loo dhameeyo tabashooyinka jira.

“Madasha Mucaaridku way ka caga-jiidday in ay nala fariisato, waana diideen in ay nala xaajoodaan, waxaana muuqata in aysan wada-hadal diyaar u ahayn. Annagu xalka waxan u arkaynay dee in la wada-hadlo, haddaan la wada-hadalna xal ma imaan karo ‘’ ayuu yiri Juuxa.

Juxa  waxa uu sheegay in  muhiim ay tahay in la isugu yimaado miiska wada- hadalka si loo dhameeyo tabashooyinka ka dhashay arrimaha doorashooyinka oo mucaaradku ay aad u dhaliilsan yihiin.

‘’ uma jeedno mucaarad aan la hadalno anaga diyaar baa nahay in wax kasta miiska wada hadalka ku dhamayno ‘’ ayuu hadalkiisa raaciyay wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda doorashada qof iyo cod uu damacsan yahay madaxweyne Deni in uu hirgaliyo ayaan ka jawaabin eedeynta uga timid wasiirka arrimaha gudaha Puntland

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha